Dhagayso: Axmed Madoobe oo u jawaabay labadii Xildhibaan ee uu dhawaan xilka ka qaaday

13 June 2017 (Puntlandes) madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa isagoo uu xanaag ka muuqdo ka jawaabay eedayntii ay usoo jeediyeen labadii Xildhibaan ee kala ah Xildhibaan Cabdikadir Ibrahim Cali iyo Xildhibaan Maxamed Calili Yuusuf ee uu dhawaan ka saaray Baarlamaanka Jubaland. waan sharci daro in Xildhibaan sidaas xilka looga qaado.

11

Axmed Madoobe ayaa si cad u sheegay inuusan u dulqaadan karin dhaliin uu ku tilmaamay dumin wixii uu soo dhisayey mudada, isagoo sheegay inuusan aqbali karin in wiilal Qurbaha ka yimid dumiyaan maamulkiisa.

Axmed Madoobe ayaa inkiray dhamaan eedihii ay u jeediyeen labadaas xildhibaan. Dhanka kale Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in Beesha Caalamku ay cadaadis xoogan saartay ayna hakisay dhamaan mashaariidii ay ka waday Jubaland ama jidka kusoo jiray.

Magaalada Kismaaayo ayaa iminka u muuqata meel ay ka taliso Jamhad uu madax ka yahay shaqsi aan waxba ka aqoon maamul oo doonaya inuu magaalada iyo khayraadkeeda gacanta u geliyo Beeshiisa.

Dhagayso Axmed Madoobe

Puntlandes.com…

About The Author