Sawirro: Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kula kulmay Addis Ababa Desalegn iyo Cumar Al-Bashir

14 June 2017 (Puntlandes) Ra’iisul wasaaraha dowlada federalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kula kulmay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ra’iisal Wasaaraha wadanka Ethiopia Hailemariam Desalegn Boshe iyo Madaxweynaha  dalka Sudan Cumar Xasan Al-Bashir.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa la yeeshay kulankii labaad ra’iisul wasaaraha wadanka Ethiopia Hailemariam intii uu ku sugnaa halkaasi iyagoo saxaafadda loo sheegay inay ka wadahadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka u dhexeeya labada dal.

Hailemariam ra’iisul wasaaraha Ethiopia ayaa ugaga mahadceliyay ra’iisul wasaare Kheyre booqashada uu ku soo booqday xafiiskiisa iyadoo ra’iisul wasaare Kheyre uu ka mid ahaa madaxdii ka qeybgashay kulankii ay madaxda dowlad goboleedyada IGAD ee lagu qabtay caasimada dalka Ethiopia.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa la kulmay Madaxweynaha dalka Sudan Cumar Xasan Al Bashir oo ka mid ahaa madaxdii ka qeybgashay kulan madaxeedkii IGAD, waxayna ka wadahadleen xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya labada dal Soomaaliya iyo Sudan.

Kulamada uu ra’iisul wasaaruhu maanta la yeeshay madaxda wadamada Ethiopia iyo Sudan ayaa waxaa ku wehelinayay wasiiro iyo xildhibaano ka mid ah wafdiga ra’iisal wasaare Kheyre ee ka qeybgalay shir madaxeedkii IGAD ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Addis Ababa.

Daawo sawirrada kulamadii uu RW Khayre la yeeshay madaxdaasi
12

13

14

15

16
IMG-20170613-WA0007

 

IMG_20170612_150428
Puntlandes.com

About The Author