Dhagayso wareysi dheer oo uu Axmed Madoobe si niyad jab ka muuqato uga hadlay arimaha Jubaland

14 June 2017 (Puntlandes) Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa wareysi dheer oo uu  siiyey Tv ga Universal uuna qaaday wariye Cabdisalaan hareri wuxuu uga hadlay arimaha Jubaland si ay ka muuqati niyad jabiyo kalsooni daro.

11

Axmed Madoobe oo iminka u xuubsiibtay Hogaamiye Jamhadeed oo xoog ku haysta magaalaga Kismaayo ayaa waxa uu fashilka hogaankiisa dusha ka saaray Beesha Caalamka isagoo ku eedeeyey inay wax walba ka dabeeyaan masuulna ka yihiin. Waxyaalaha uu ku eedeeyey waxa ka mid inay kooxda Alshabaab uga xorayn waayen dhulka ay maamulkiisa ka haysato, isagoo samaystay Ciidan aad u qalabaysan una tiro badan oo Beeshiisa kasoo jeeda una samaystay inuu ku Caburiyo Beelaha kale ee Jubaland.

Dhanka kale Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in Beesha Caalamku ay cadaadis xoogan saartay Axmed Madoobe ayna hakisay dhamaan mashaariicdii ay ka waday Jubaland ama jidka kusoo jiray.

Magaalada Kismaaayo ayaa iminka u muuqata meel ay ka taliso Jamhad uu madax ka yahay shaqsi aan waxba ka aqoon maamul oo doonaya inuu magaalada iyo khayraadkeeda gacanta u geliyo Beeshiisa.

Dhagayso wareysi dheer oo uu Axmed Madoobe si niyad jab ka muuqato uga hadlay arimaha Jubaland


Puntlandes.com

About The Author