Guddiga Arrimaha Dibadda Baarlamaanka oo walaac xoogan ka muujiyay mowqifkii dowladda ka qaadatay Khilaafka Khaliijka

14 July 2017 (Puntlandes) Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha dibadda ee Golaha shacabka Cabdiqaadir Cosoble Cali ayaa Madaxweynaha JF Soomaaliya mudane Maxamed cabdulaahi Farmaajo u gudbiyay warqad ku saabsan khilaafka dalalka Khaliijka iyo walaac ay xubno ka tirsan Guddiga ka muujiyeen mowqifka ay ka qaadatay dowladda Federaalka.

Warqadan ayaa waxaa loogu baaqay in dowladda dib uga fiirsato go’aankaas, isla markaana dood laga furo, dowladdana wada tashi la yeelato siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada golaha shacabka, si loo mideeyo ama la isku soo dhoweeyo mowqifka dowladda, taasoo yareyneyso in khilaafka Khaliijka uu saameyn ku yeesho xasiloonida dalka iyo danta shacabka ee xiriirka ay la leeyihiin labada dhinac.

Qaar ka mid ah Madaxda maamul goboleedyada, Senator ka tirsan Aqalka sare si toos iyo si dadban uga hadlay go’aanka dowladda ka qaadatay khilaafka dalalka Khaliijka, iyagoo soo jeediyay in dib uga fiirsato dowladda mowqifka dhex dhexaadnimada ah.

Halkan hoose ka akhriso warqada Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka uu u diray Madaxweyne Farmaajo.

23

Puntlandes.com

About The Author