Daawo Video: Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye Muse Biixi oo soo jeediyey in Waqooyi & Koonfur loo midoobe sheegayna in SL u taagan tahay midnimada Somalia

14 July 2017 (Puntlandes) Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye Muse Biixi oo la hadlayey taageerayaashiisa ayaa ugu horayn waxa hadalo adadag u dusiyey madaxweynaha JFS mMaxamed cabdulaahi Farmaajo, isagoo ku eedeeyey inuu Somaliland xataa magaceeda u quurin iska daa wax kale e.

24

Kadibna waxa uu taageerayaashiisa u sheegay cida uu arko inay keentay xornimada iyo midnimada labadii gobol ee Soomaaliyeed sanadku markuu ahaa 1960, isagoo taageerayaashiisa baray inay ahaayeen shacabka Somailand waxa keenay xorayntii iyo midowgii Soomaaliya wuxuuna yiri isagoo cadaynaya taas ”haddii aynaan wax qorin, waaba la nool yahay oo la garanayaaye, wax alle iyo waxa Hees Soomaali midnimadeeda ah iyo waxa Calankaaas Buluugga ah loo qaado ee maanta Radio Xamar laga saaro ee Gabay leh ee Hees leh ee haddii alle yiraahdo Khudbado leh bal hala soo helo mid ay leeyihiin qolodaa MUQDISHO iyo GAALKACYO joogtaa”

Biixi oo hadalka sii wata ayaa yiri ”Dareenka Soomaaliyi wax ha wada yeelato oo Soomaaliyi ha midowdo oo waliba waxayga anigaa idin sooryeynaya oo idiin goglaya horta reer Somaliland ayaa lahaa, aabayaashayo iyo awoowayaashayo ayaa lahaa, anaguna tii waan qabnaa Soomaalina ma nebcin..in Geeska Afrika Midoobana waanu ogol nahay, ma nihin dad Soomaali diid ah oo la yiraahdo Soomaali bay diidayaan, Soomaali waxaa diidaya ninkii Diyaaradaha ku garaacay, Soomaali waxaa diidaya ninka GAALKACYO kala gooyey maanta, magaalada GAALKACYO nin qaybiyey ayaa Soomaali dilaya, anagu markii horeba anagaa Soomaali isku keenay markii ay dumiyeena waxay noqotay in aanu anagu taayadii dib u dhisano”

Ugu dambayntii Musharax Biixi ayaa midnimada Soomaaliya ku xiray sharuud adag oo uu ku sheegay in marka la fuliyo in la midoobayo taasoo ah in Federaal loo noqdo Waqooyi iyo Koonfur.

Musharax Biixi ayaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ku soo qaaday khudbadiisa oo socatay muddo aad u kooban sadex ma oo uu dadkeeda ku eedaynayey inaysan halgankii Gobonimo doonka Soomaaliya aysan qayb ku lahayn, eedaasi ma aha mid sax ah ee shacabka Muqdisho iyo kan Gaalkacyo waxay kasoo qaateen qaybta ugu badan halgankii gobonimo doonka Soomaaliya.

Biixi oo eedayntiisa shacabka Gaalkacyo sii wata ayaa eedeeyey inay (Puntland) iyagu dabada ka riixayaan Federaalka ay Soomaaliya qaadatay taasoo aan xumaan ahayn ee u horseedaysa Soomaaliya horumar ka hana qaada degaan kasta oo Soomaaliyeed.

Daawo khudbadii Musharax mudane Biixi

Puntlandes.com

About The Author