Akhriso Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo sameeyay Email ay shacabku ugu soo diro talooyinka

17 July 2017 (Puntlandes) Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sameeyay cinwaan Email ah oo talooyinka loogu soo diro, iyadoo olole ku saabsan fariimaha lagu bilaabay Baraha Bulshada ee Facebook iyo Twitter-ka.

33

Email-kan oo cinwaankiisu yahay fariimaha@opm.gov.so  ayaa noqon doona cinwaan lagu diro fariimaha ay bulshada la wadaageyso Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray “Si aan u helno talooyinka iyo fikraddaha shacabka Soomaaliyeed, waxaan u baahanahay aragtidiina”

Dhanka kale qoraal kale oo la soo dhigay barta Facebooka ee Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in fariimaha iyo talooyinka shacabka ka imaanaya ay kuwo wax badan ka bedeli kari xaalada dalka ku jiro.

Puntlandes.com

About The Author