Dhageyso: Gudoomiyaha Maxkamada Sare ”cid kasta oo u Gefta Hay’addaha Dowladda Xeer Ilaalinta ayaa talaabo ka qaadeysa”

17 July 2017 (Puntlandes) Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee DFS Ibraahim Iidle Saleebaan ayaa sheegay in Cid kasta ee ku xadgudubta Hay’addaha Dastuuriga ah ee dalka waliba sicad ugu gefta in ay waajib tahay in talaabo laga qaado.
33a
Gudoomiyaha Maxkamada Sare ayaa sheegay in madaxda dowladda Soomaaliya la dhaliili karo basle cidii si ula kac ah u aflagaadeeysa ama u cayda hay’addaha Dastuuriga in talaabo laga qaadi doono.

Gudoomiyaha  ayaa yiri ”ruuxna uma soo gaari karo masrax oo si cad ilhaano ugu samayn karo mid ka mid ah hay’addaha Dastuuriga”

Waayahan dambe ayaa Soomaalida waxaa kusoo badanayey Aflagaado caytan iyo hanjabaadyo ay u gaysanayaan madaxda dalka, iyagoo iska dhigaya inay yihiin Mucaarad cabiraya aragtidooda. Mucaarad wax toosinaya waa muhiim waana loo baahan yahay laakiin mid Aflagaado caytan iyo hanjabaadyo ku jira xumaan uuna sheegaya maanta umma baahna ummadda Soomaaliyeed waana in kuwaas lala xisaabtamaa.

Dhagayso Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee DFS


Puntlandes.com

About The Author