Sawirro: Ciidamo isku dhaf ah oo Puntland & Galmudug oo ka hawlaga Galkacyo oo maanta tababar loo furay

17 July 2017 (Puntlandes) Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug waxa ka maanta ka dhacay Xaflada Furitaanka Tababar ay qaadanayaan Ciidamo isku dhaf ah ee Booliska Puntland & Galmudug oo ka hawlagaya labada dhinac ee magaalada Gaalkacyo.

Ciidankan Boolis ah ayaa laga soo xulay Waqooyiga iyo koonfurta magaalada waxaana hadafku yahay inay ka wada shaqeeyaan amaanka Magaalada Gaalkacyo.

Munaasabadda furitaanka tababarka ayaa waxaa ka qayb galay madaxweyne kuxigeenada Puntland Ing Cabdixakiim Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey iyo Galamudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) iyo waliba saraakiil ka socotay UNka iyo AMISOM.
1

 

1b

2

3

4
Puntlandes.com

About The Author