Daawo Video-Sawirro: Faahfaahin ku saabsan tababar maanta loo furay Ciidamo ka hawlaga Galkacyo oo Puntland & Galmudug isku dhaf ah

17 July 2017 (Puntlandes) Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa maanta ka dhacay munaasabad si heer sare ah loo soo agaaasimay oo ku saabsan Furitaanka Tababar ay qaadanayaan Ciidamo isku dhaf ah oo ka socda Booliska Puntland & Galmudug, kusoo ka hawlagaya labada dhinac ee magaalada Gaalkacyo.

Ciidankan Booliska ah ayaa laga soo xulay Waqooyiga iyo koonfurta magaalada waxaana hadafku yahay inay ka wada shaqeeyaan amaanka Magaalada Gaalkacyo.

Ciidankan ayaa ka kooban guud ahaan 50 Askari, iyadoo ay Puntland ka yimaadeen 25 Askari dhanka Galmudug na 25 Askari.

Munaasabadda furitaanka tababarka ayaa waxay ka dhacday xarunta Xaawo Aadan oo fariisinka u ah UNka, waxaana tababarka bixinaya saraakiil ka socotay UNka iyo AMISOM.

Dhaqaalaha ku baxaya tabaabrkan ayaa waxaa bixinaya Beesha Caalamka, waxaana garwadeen ka ah xafiisaka UNSOM.
Daawo muuqaal

Waxaa si wadajir ah u furay tababarkan madaxweyne kuxigeenada Puntland Ing Cabdixakiim Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey iyo Galamudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey, iyagoo halkaasi ka jeedyey khudbado la xiriira in nabadda iyo amniga Gaalkacyo iyo guud ahaan Gobolka Mudug laga wada shaqeeyo.

Waxaa kale oo kasoo gayb galay munaasabadda Saraakiil ka socota xafiisaka UNSOM iyo AMISOM, madax ka socota labada maamul iyo waxgaradka Gobolka.

Ciidanka ayaa waxaa la filayaa inay jawi nabadgalyo kusoo dabaali doonaan magaalada Gaalkacyo oo falal amni daro ah ay ka jiraan.
Daawo sawirrada
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16

17

18

18a

19

20

21

22

23
Puntlandes.com

About The Author