Wasaarada Deegaanka Puntland oo Biyo Xireenkii 3aad ka dhagax dhigtay deegaanka Raydable ee degmada Jariiban

17 July 2017 (Puntlandes) Wafti uu hogaaminayey Wasiirka Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska dawladda Puntland Dr. Cali Cabdullaahi Warsame ayaa maanta dhagax dhigay biyo xireenkii sadexaad oo mudo bil ka yar Puntland laga samaynayo, kaasoo laga hirgelinayo deegaanka Raydable ee degmada Jariiban ee Gobolka Mudug.

22

Wasiirka oo si rasmi ah uga dhagax dhigay togga Qawl labo meelood oo laga samaynayo Biyo xireenka ayaa  sheegay inay labada meelood isku jiraan 3km, mid cabirkiisu wuxuu noqonayaa 145m halka kan kale uu noqonayo ilaa 50m.

Dr Cali ayaa yiri isagoo sharxaya faa’iidada Biyo xireenkan ”Mashruuca waxaa loogu talogalay inay ka faa’iidaystaan dadka reer Guuraaga ah, inay biyo helaan iyaga iyo xoolahooda, waxaa kaloo loogu talogalay in looga faa’iidaysto biyahaas xagga waxsoosaarka Beeraha oo deegaanku ku wanaagsan yahay”

Wasiirka ayaa sheegay inay shaqadii ay bilaabatay Biyo xireenadii koowaad iyo labaad oo ay degaanka Xamxamaa iyo Laasodawaco ka dhagaxdhigeen ee Gobolada Nugaal iyo bari.

Wasiirka ayaa sheegay inay dhawaan ka dhagax dhigi doonaan Biyo xireenkii afraad deegaanka Meeladeen ee Gobolka Bari, waxay kaloo wasaaraddu dhawaan ka hirgelinaysaa Biyo xireenkii shanaad Degmada Baran ee Gobolka Sanaag, waxaana ku xigi doona Deegaanada Roox iyo Rako Raaxo.

Wasaarada Deegaanku ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey ku mashquulsanayd inay qayb wayn ka qaadan doonto Kaabayaasha iyadoo shacabka reer Puntland ku baraarujinaysay in si isku tashi ah loo dhiso biyo xireeno iyo waro waawayn oo ay ka faa’iidaystaan bulshadu.

Wasiirka Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska dawladda Puntland Dr. Cali Cabdullaahi Warsame ayaa wax badan ka qabtay kuna soo kordhiyey Puntland intii uu xilka wasiirkaas hayey, waxaa kaloo lagu xasuustaa Dr Cali shaqadii wacnayd ee uu ka qabtay markii uu ahaa Wasiirka Caafimaadka dawladda Puntland xukuumadii uu madaxweynaha ka ahaa Dr Faroole isagoo kasoo qaaday meel hoose gaarsiiyeyna meesha ay iminka marayso.

Puntlandes.com

About The Author