Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland oo ka hadlay Ciidanka Puntland & Galamudug ee tababarku ugu bilowday Gaalkacyo

20 July 2017 (Puntlandes) Madaxweyne ku xigeenka dawladda Puntland Ing Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay ayaa ka hadlay Ciidankii Puntland iyo Galmudug ee la isku dhafay tababarkana loo bilaabay.

8

Camay ayaa sheegay in ciidamo gaaraya 50 Askari oo ka kala socda labada maamul loo furay tababar, kuwaas oo ka shaqayn doona Nabada iyo xasilinta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa yir ”Ciidamada isku dhafka ahaa ee dhinaca Booliska ahaa ee cadadkoodu uu yahay 100 Askari (50iyo 50),… 50 kii ugu horeeyay waxaan goob joog ka ahayn Daahfurka tababarkooda si wannaagsan ayay taasina noogu dhacday”

Camay ayaa intaas ku sii daray”ciidamadani waa isku dhaf, wixii dhib ah oo Mudug ku yimaada ayay qabanayaan, shacri labada maamul isku raaceen ayay ku shaqaynayaan, Qabiil iyo maamul ay kaso jeedaan kuma shaqaynayaan, Nabada iyo Xasiloonida dadka ay rabaan ayay ka shaqaynayaan”

Camay ayaa sheegay in Beesha Caalamka ay ka taageerayso dhaqaalaha ku baxaya tababarka oo 50 ka Askari ee hore socon doona 10 cisho kadibna la xarayn doona 50 ka xiga, wxuuna sii raacshay in Ciidanka Mushaharkooda ay bixin doonto Puntland muddo saddex bilood ah, wixii ka dambeeya saddexda biloodna ay bixinayso beesha Caalamka.

Puntlandes.com

 

About The Author