Sawirro: Wasiiru dowlaha Maaliyadda XFS oo Kismaayo ka dhagax dhigay dhismayaal cusub

20 July 2017 (Puntlandes) Wasiiru dowlaha Maaliyadda ahna kusimaha Wasiirka Maxamud Xayir Ibraahim iyo wafti uu hogaaminayo ayaa gaary magaaladda Kismaayo ee xarunta maamulka Jubaland, si uu halkaas uga dhagax dhigo dhismayaal ay Wasaaradda Maaliyaddu ka hirgalinayso, waxaa dhismayaasha loo qoondeeyey Maxkamada Sare, Maxkamada Gobolka, iyo mida Racfaanka.

Dhismayaashan cusub waxaa si wada jir ah u dhagax dhigay Wasiirdu dowlaha Maaliyadda XFS iyo Madaxweyne ku xigeenka Jubaland, dhismayaashaan dhaqaalaha ku baxaya waxaana bixinaya UN iyadoo la soo marsiiyey Wasaaradda Maaliyadda mashruuceeda SSF,  islamarkaasna waxaa tartan furan oo loo galay ku guulaystay shirkad maxali ah.

Wasiiru dowlaha Maaliyadda XFS ayaa sheegay in dhismayashaan cusub ay qayb ka yahay mashaariic badan oo Wasaaradda la soo marsiiyey kuwaas oo laga fulinayo gobolada dalka.

“Waxaa mashruucaan ka horeey laba mashruuc oo labadii bilood ee u danbaysay aan ka soo kala furnay magaalooyinka Baydhabo iyo Jowhar, waxaana kan noogu xiga kuwo kale oo aan ka soo dhagax dhigayno Garbaharey, waxayana qayb ka yihiin dadaalka dowladu ugu jirto soo celinta adeega bulshada” ayuu yiri Wasiir Xayir

Wasiirka iyo waftigiisu intii ay ku sugnaayeen magaalada Kismaayo waxay kulamo la qaateen Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo qaar ka tirsan labadiisa gole.

8a

8a1

8a2

8a3

8a4

8a5
Puntlandes.com

About The Author