Akhriso Iskuulka Sare ee Bursaalax oo kaalinta 14aad ka galay Iskuulada Puntland

20 July 2017 (Puntlandes) Liiska Wasaaradda Waxbarashada Puntland ee kala saraynta Dugsiyada Sare ee Puntland ayaa Iskuulka sare ee Bursaalax wuxuu ka galay sanad dugsiyeedkii 2016-2017 kaalinta 14naad, iyadoo guud ahaan Dugsiyada Sare ee Puntland ay ahaayeen 65 Iskuul.
4

Iskuulka Sare ee Bursaalax ayaa Gobolka Mudug oo ay ka jiraan 10 Iskuul oo Sare ka galay kaalinta 2aad sida ku cad liiska Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo ay heshay Warbaahinta Puntlandes.

Iskuulka Sare ee Bursaalax ayaa ardaydiisu hehay celceliska 58.38 oo u dhiganta C+, halka uu Iskuulka kaalinta 10naad galay uu haysto 59.45 oo iyaduna ah C+,  waxaa u dhexeeya oo kaliya 1.07 iyadoo uu wax yar u jirsaday inuu ka mid noqdo 10 Iskuul ee ugu saraysa Puntland.

Natiijada ardaydu sidatan ayay ahayd:

  • Grade A: 10 Arday
  • Grade  B: 17Arday
  • Grade C: 13 Arday
  • Grade D: 8 Arday

Isugayn Ardayda ka qalin jabiyey sanad dugsiyeedka 2016-2017ka waxay ahayd 48 Arday shahaadadooduna waxay noqonaysaa celcelis ahaan C+.

 

Mareeyaha guud ee Mashruuca horumarinta Bursaalax Mr Cabdirashiid Faarax Xaaji-warsame (Qalinle) oo ay Warbaahinta Puntlandes wax ka waydiisay natiijada kaalinta uu Iskuulku ka galay Iskuulada Puntland ayaa yiri “runtii waa guul wayn oo usoo hoyatay Mashruuca, Iskuulka iyo dhammaan bulshada reer Bursaalax in 65 iskuul aan ka galno kaalinta 14naad, waxaana Yoolkayagu yahay in aanú sii kordhino oo meel ka sii fiican aanu gaarno insha Allah”

 

Dhanka kale Mareeyaha ayaa u mahadnaqay Macalimiin, Ardayda iyo waalidiinta dadaalkii ay sameeyeen oo keenay inuu kaalinta uu Iskuulku ka galay Iskuulada Puntland.

 

Iskuulka Sare ee Bursaalax ayaa sameeyey kobcid ay sare u kacayso saadba sanadka ka dambeeya natiijada waxbarashada iyadoo ah sadexdii sano ee u dambaysay sidan:

  • 2015: Wuxuu Iskuulku galay kaalinta 26aad,Celcelis shahaado 52.36, shahaado C.
  • 2016: Wuxuu Iskuulku galay kaalinta 21aad,Celcelis shahaado 58.5, shahaado C+
  • 2017: Wuxuu Iskuulku galay kaalinta 14aad,Celcelis shahaado 58.38, shahaado C+

Akhriso Liiska
1

2

3

Puntlandes.com

About The Author