Sawirro: Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo si habsmi socodle u wada saxitaankii imtixaanka Fasalka 8aad

20 July 2017 (Puntlandes) Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ayaa ku howlan imtixaankii Fasalka 8aad 2017.
Waxaa ka soo qayb macalimiintii abad ugu badnayd oo imtixaanka saxa iyo Xafiiska Imitixaanadka Wasaaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Waana tiradii ugu badanayd oo macalimiin Saxayaala Wasaaradu ugu yeerto, Ardayda Fasalka 8aad ayaa gaaraya sanadkaan 8805 arday.

Agaasimaha Waxaada imtixaanka Axmed Maxamud Warasame (Ahmed Saahid) ayaa sheegay in uu sanadkaan dooratay macalimiin kuwii hore ka badan sixida imtixaanka sababtuna Tahay ardaydoo badan iyo Waqtigoo yar.
Waxaa kalo sheegay Agaasimaha inay Macaliimiin ku cusub jiraan sixida imtixaanka balse tabaabaro la siiyey ilaa 3 bari.

Saxida Macalimiinta saxaysa ayaa waxaa kalo gaar ku ahayd inay ka qayb galeen Macalimiin Gabdho ah oo wax kasaxaya imtixaanka tiradooduna aad u badnayd.

Waxaana Martigaliyey Goobta imtixaanka lagu Saxayo Gudoonka Waxbarashada Gobolka Nugaal Xaashi Xuseen Faarax waxana lagu saxayaal khaas ahaan Dugsiga Dowliga ah ee Dugsiga hoose/dhaxe ee Wabari (injida)

Maamule ku xigeenka liibaan Maxamed Baafe Dugsiga hoose/dhaxe ee waabari ayaa la hadlay warbahinta Waxbarshada u sheegay inay wax dhiba jirin macalamiinta imtixaanka saxaysan loo diyaariyey adagii ay ka heli lahayeen schoolka wabari.

Bisha 8aad ayaa natiijada la shaacinyaa kumanaan araday ayaa ku biiraya sanadkan Dugsiyada sare ee puntland.
1

2

3

4

5

6

7

8
Puntlandes.com

About The Author