Sawirro: Ila qosol Xildhibaanada ka soo jeeda Hirshabeelle oo ka horyimid Miisaaniyadda DFS Puntland darteed!!

21 July 2017 (Puntlandes) Xildhibaanada laga soo doortay maamulka Hirshabeelle ee isugu jira Golaha shacabka iyo Aqalka Sare oo shalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hor yimid Miisaaniyada dhowaan ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda.

Xildhibaanada ayaa sheegay in si siman oo cadaalad ah aan loogu qeybin maamul goboleedyada, iyagoo ku baaqay in dib loogu noqdo miisaaniyadda.

Xildhibaanka Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ahaa Xildhibaanda kulmay ayaa sheegay in Xildhibaanada Hirshabeelle aanay u cuntami karon miisaaniyada iyo sida dowlad goboleedyada wax loogu qeybiyay, isla markaana aan wax laga qaato aan aheyn.

Xildhibaan Jeesow ayaa yiri “Arrinta Miisaaniyada qaran, ee dowlad goboleedyada waxaa u aragnay inay tahay wax aan isu dheeli tirneyn oo ah mid aad iyo aad kala sareeyaan, dalkaan cadaalad darro ayuu ku bur buray, hadii cadaalad darada meesha ka qaadno dalka wuu bur burayaa, yaan dadka Soomaaliyeed kalsooni daro la gelin”

Lacagaha Miisaaniyadda loo qoondeeyay dawlad Goboleedyada ayaa ah mid u kala duwan sida ay Deeq bixiyayaashu Mashaariic uga fulinayaan, waxaana qeyb ka ah mashaariic horumarineed oo laga fulinayo deegaanada maamul goboleedyada ee maaha wax DFS bixinayso.

Lacagaha ayaa loo qoondeeyey ayaa ah sidaan hoose:

  • Puntland $ 4,675,000
  • Jubbaland $ 2,695,000
  • Galmudug $ 1,425,000
  • Koofur Galbeed 1,425,000
  • Hirshabeelle 750,000
  • G/Banaadir $ 7,000,000

Wasiirka Maaliyadda DFS ayaa Baarlamaanka u sheegay inay DFS siiyo 1,800,000 sanadkii maamulada kala ah Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed iyadoo marka lagu daro tabn horumarinta noqonaysa sidan

  • Puntland $ 4,675,000
  • Jubbaland $ 2,695,000
  • Galmudug $ 3,225,000
  • Koofur Galbeed 3,225,000
  • Hirshabeelle 2,550,000
  • G/Banaadir $ 7,000,000

Lacagtaan 1,800,000 ee ay DFs siiso sadexdaas maamul waxay soo socotay ilaa ay ka dhismeem, mana jirto reer Puntland ama Soomaalida kale oo ka qayliyey maxaa yeelay waa taageero qayb Soomaaliya ka mid ah oo u baahan oo ay DFS siisay.

Xildhibaan Jeesoow goormuu xinka ku bedelayaa Soomaalinimo iyo inuu Soomaali oo dhan Xildhibaano u yahay, haddii uu talaabo kasta u fiirsadana isna waa loo fiirsanayaa waxaana khatara gelaya Soomaalinimadii iyo wax wada lahaanshihii.

Ma waxaa ah wax laga qayliyo oo waqti la geliyo 4,6 milyan oo ah mashruuc uu maalgelinayo World Bankigu?  Goormaa garaadka Soomaalidu korayaa oo kor la eegayaa?

13

13a

13b

13c
Puntlandes.com

About The Author