Akhriso Wasiir Juxa oo shaqadii ka joojiyey Xoghayihi joogtada ahaa ee Wasaaradda Arimaha Gudaha

22 July 2017 (Puntlandes) Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Dib u Heshiisiinta iyo Fadaraalka DFS mudane  Cabdi Farax Juxa ayaa qoraal ku taariikhaysay maanta oo ay taariikhdu tahay 22ka July 2017 shaqadii uga joojiyey Xoghayihi joogtada ahaa ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Yaxye Cali Ibraahim.

14b

Xoghaye Yaxye ayaa sida ku cad qoraalka Wasiirka waxaa sababy Shaqo ka joojintiisa:

  • Wada shaqayn la’aan joogto ah
  • Ku xadgudub jaranjarta hanaanka shaqada iyo u hogaansami la’aan xunaha ka sareeya
  • Cabasho shaqaalaha oo ku aadan maamulxumo
  • Isagoo qaadan digniino dharw ah oo la siiyey

Yaxye ayey aad isugu dhow yihiin Raysul Wasaaraha DFS Xassan Cali Khayre, wasiirka iyo madaxda kale ee Wasaaraddana lama shaqayn jirin oo wuxuu si toos ah ugu xirnaa Kheyre.

14a

Puntlandes.com

About The Author