Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo magacaabay labo Lataliye

22 July 2017 (Puntlandes) Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magacaabay labo Lataliye oo kale ah.

1 – Abdirizak A. Hassan (Durqun) Waxaa Madaxwaynuhu u magacaabay lataliyaha Madaxwaynaha dhanka Arrimaha Siyaasadda

14c

C/risaaq waa aqoonyahan siyaasi ah, waxaa uu xilligii Dowladii Kumeel-gaar ka ahayd ee AU Madaxwayne C/llaahi Yuusuf uu soo noqday Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya.

C/risaaq wuxuu lataliyaha dhanka arrimaha siyaasada u ahaa Ex PM Cumar C/rashiid, waana aqoon-yahan bartay cilmiga siyaasada.

2- Nour Diinaari waxaa Madaxwaynuhu u magacaabay Lataliye

14c1

Nuur waa siyaasi soo qabtay jagooyin kale duwan, Dowladii Madaxwayne Shariif Sh. Wuxuu ahaa kuxigeenka Agaasinka Madaxtooyada, Xilligii M/hore ee Xassan Shiikh-na wuxuu soo noqdey Wakiilka Soomaaliya u fadhiya Urur Gobolerdka IGAD.

Puntlandes.com

About The Author