Baarlamaanka oo diiday go’aankii Maxkamadda sare ee dib ugu laabashada 8-da Kursi

22 July 2017 (Puntlandes) Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta diiday go’aankii ka soo baxay Maxkamadda Sare ee dalka ee ahaa in dib loo soo doorto 8-dii kursi ee muranka ka taagnaa.

69

Xildhibaanada ayaa difaacay xubnaha 8-da Xildhibaan ee kuraastooda muranka la geliyay, kuwaasoo muddooyinkii u dambeeyay si caadi ah uga qeyb galayay fadhiyad Baarlamaanka.

Dood ka dib Gudoonka Baarlamaanka ayaa Cod geliyey waxaana diiday in dib loogu noqdo doorashada 8-dii kursi 184 Xildhibaan iyagoo go’aanka Maxkamadda sare ee doorashadaas ku tilmaamay mid sharci darro ah.

Go’aanka Baarlamaanka ayaa waxay muujineysa in iska hor imaad dhanka fulinta sharciyada ah oo dhex mara hey’adaha dowladda, iyadoo Garsoorka uu yahay hey’ad madax banaan.

 

Puntlandes.com

About The Author