BREAKIN NEWS: Dawladnimadii Somalia oo uu RW Khayre god dheer ku riday kadib markii uu amray wasiiru Dawlaha wasaaradda A. G. & F inuu buriyo Wasiir Juxa shaqadii uu ka joojiyey Xoghayihi joogtada ahaa ee Wasaaraddaas

22 July 2017 (Puntlandes) Raysul Wasaaraha DFS Xassan Cali Khayre, oo ay qaraabo dhow yihiin Xoghayihi joogtada ahaa ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Yaxye Cali Ibraahim oo maanta Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Dib u Heshiisiinta iyo Fadaraalka DFS mudane Cabdi Farax Juxa shaqadii ka joojiyey, ayaa ku amray in shaqada sifo aan sharci ahayn Yaxye loogu soo celiyo shaqada.

5a

Wasiir Juxa ayaa isla maanta u magacaabay Xoghayaha joogtada ee KMG ee Wasaaradda Arimaha Gudaha, Fadaraalka & Dib u Heshiisiinta mudane Cabdulaahi Maxamuud Xasan.

14b

Raysul wasaare Khayre, oo diiday xil ka qaadista wasiir Juxa ayaa amray  Wasiiru dawlaha Wasaaradda Arimaha Gudaha, Dib u Heshiisiinta iyo Fadaraalkamudane Cabdulaahi faarax Weheliye inuu wax kama jiraan ka dhigo xil ka qaadistii Wasiir Juxa, isagoo ka faa’iidaysanaya mashquulka ay Puntland iyadu isku tahay hada.

Sababaha uu RW Khayare kula dagaalamayo Wasiirka Arimaha Gudaha waa iyadoo markii horeba uusan raali ku ahayn Xasan Khayre wasiirnimada Juxa maadaama uu keenay madaxweyne Maxamed Cadulaahi Farmaajo.

41b

Si uu RW Khayre ula diriro Wasiir Juxa ayuu wuxuu xiriir toos ah la yeeshay Xohayaha Joogtada ah Yaxye oo ay aad isugu dhow yihiin isagoo mas’uul uga dhigay wasaaradii oo dhan, taasina waxaa ka cawday wasiirka laakiin Khayre waxba kasoo qaadin cabashadaas.

Dhanka kale Warbaahinta Puntlandes ayaa ilo xog ogaal ah ka heshay in dagaalka uu Raysul wasaare Khayre ku hayo Wasiir Juxa uu sii xoogaystay kadib Markii Khayre usoo jeediyey Juxa inuu kala shaqeeyo sidii madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas xilka looga qaadi lahaa, taasoo uu si cad u diiday Juxa uuna u sheegay inuusan faragashan Arimaha hoose ee Puntland.

Waxaa xusid mudan in dhawr bilood ka hor uu wasiirka Warfaafinta DFS mudane In Cadiraxmaan Yariisoow xilka fariisiyey Agaasimaha Guud ee wasaaradaas, uuna isla markiiba Raysul wasaare Khayre aqbalay, Hadaba su’aashu waa maxa ku kala duwan yihiin laba xil ka qaadis? Soow maaha QABIIL?

Masuuliyiinta kasoo jeeda Puntland & Jubaland oo uu xilka ka fariidsiyey RW Khayre

Masuuliyiinta kasoo jeeda Puntland & Jubaland ayuu  RW Khayre xilka ka fariidsiyey, waxaa ka mid Wsaiir ku xigenka Gargaarka iyo Arimaha Bani’aadanimada mudane Cilmi Caysane oo kasoo jeeda Puntland.

Sababna wuxuu uga dhigay inuu diiday inuu ka amr qaato Guddiga Abaaraha, oo aan sharci ahayn inay Wasiirka wax u meeriyaan.

Waxaa kaloo shaqadii uu ka fariisiyey Xasan Khayre Agaasima Guud ee wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta mudane Axmed Daljir oo kasoo jeeda Jubaland.

Sababna wuxuu uga dhigay inuu diiday inuu ka amar qaato Shirkaddaha kala ah HORMUUD iyo DALKOM oo leh xariga badda hoosteeda mara oo maalin dhawayd go’ay.

Sidoo kale wuxuu Shirkadii SOMOIL oo uu wakiil uga ahaa Soomaaliya ku wareejiyey xilkaas mudane Cabdikariim Siyaad oo loo yaqaan (Gaambe) oo ah maamulaha Hotel Jaziira Muqdisho, isagoo ku wareejiyey jagadii iyo Sheerarkii uu shirkadda ku lahaa.

Gaambe waa ganacsade maalgeliyey madaxweyne Farmaajo ayna aad isugu dhow yihiin RW Khayre.

Akhriso qoraalka uu Wasiiru dawlaha Wasaaradda Arimaha Gudaha, Dib u Heshiisiinta iyo Fadaraalka mudane Cabdulaahi faarax Weheliye uu ku buriyey tii Wasiirka

116

Akhriso Qoraalka uu wasiir Juxa xilka uga fariisiyey Xoghayahiia Joogtada ahaa Yaxye

14a

Akhriso Dikreeto uu wasiir Juxa Xoghayahiia Joogtada KMG ah ee Wasaaradaas uu ku magacaabay

14

Puntlandes.com

About The Author