RW Khayre oo DFS ku hogaaminayaa wadadii bur-burka & kala tagga, Wasiir kuxeenka A. G. & F oo isna la amray inuu buriyo Wasiir Juxa shaqadii uu ka joojiyey Xoghayihi joogtada ahaa ee Wasaaraddaas

22 July 2017 (Puntlandes) Raysul Wasaaraha DFS Xassan Cali Khayre, oo ay qaraabo dhow yihiin Xoghayihi joogtada ahaa ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Yaxye Cali Ibraahim oo maanta Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Dib u Heshiisiinta iyo Fadaraalka DFS mudane Cabdi Farax Juxa shaqadii ka joojiyey, ayaa ku amray in shaqada sifo aan sharci ahayn Yaxye loogu soo celiyo shaqada.

3

RW Khayre waxa uu amray Wasiiru dawlaha Wasaaradda Arimaha Gudaha, Dib u Heshiisiinta iyo Fadaraalka mudane Cabdulaahi faarax Weheliye inuu wax kama jiraan ka dhigo xil ka qaadistii Wasiir Juxa.

Intaas kuma ekaane waxa uu amray kale dul dhigay wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Dib u Heshiisiinta iyo Fadaraalka mudane Cali Sheekh Maxamed Nuur, isagoo ku amray inuu waxba kama jiraan ka dhigo xil ka qaadistii wasiir Juxa.

Akhristow RW Khayre oo ah nin Qabiilayste ah ayaa waxa uu wasiirnimada ku haystaa Wasiir Juxa oo wasiir ku ah Wasaarad laga jaray baalashii ay ku duulaysay oo ah Amniga iyo Gargaarka, isagoo hada doonaya inuu ka dhiga in wasiirka ay kasoo horjeedaan Wasiir Huxa dhamaan shaqaalaha iyo madaxda kale ee wasaarada si uu culays u saaro madaxweyne Farmaajo oo awalba keenay wasiirka inuu meesha ka saaro.

RW Khayre wuxuu cagta u saaray Dawladii Fadaraalka Soomaaliya oo ku hogaaminayaa wadadii bur-burka iyo kala tagga, halkaan ka akhri qoraal faahfaahinaya

Akhriso qoraal uu wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Dib u Heshiisiinta iyo Fadaraalka mudane Cali Sheekh Maxamed Nuur sharci daro ku tilmaamay xil ka qaadistii wasiir Juxa sameeyey

16

Akhriso qoraalka uu Wasiiru dawlaha Wasaaradda Arimaha Gudaha, Dib u Heshiisiinta iyo Fadaraalka mudane Cabdulaahi faarax Weheliye sharci daro ku tilmaamay xil ka qaadistii wasiir Juxa sameeyey

116

Akhriso Qoraalka uu wasiir Juxa xilka uga fariisiyey Xoghayahiia Joogtada ahaa Yaxye

14a

Akhriso Dikreeto uu wasiir Juxa Xoghayahiia Joogtada KMG ah ee Wasaaradaas uu ku magacaabay

14

Puntlandes.com

 

About The Author