Wasiir Xoosh oo sheegay in Baarlamaanku awood u lahayn inay jabiyaan go’aanka Maxkamadda Sare

?????????????

23 July 2017 (Puntlandes) Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in baarlamaanka aysan awood u laheyn inay jabiyaan go’aankii ay gaartay Maxkamadda sare ee dalka.

?????????????
?????????????

Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa kulan ay shalay yeesheen waxay ku diideen go’aankii Maxkamadda sare ee ahaa in dib loogu celiyo doorashada 8 kursi oo muran ku jira qaabkii loogu guuleystay.

ATalaabadan uu qaaday Baarlamaanku waxay ku noqotay shacabka Soomaaliyeed la yaabay maadaama uu Garsoorka ka mid yahay hey’adaha madax banaan ee dalka.

Wasiirka Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa qoraal uu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray wuxuu si aad ah uga soo horjeestay fal celinta Baarlamaanka.

Isagoo ka hadlayay aragtidiisa sharciyeed, maadaama uu yahay Garyaqaan ayaa waxaa uu si cad u qeexay in Baarlamaanka aysan awood u laheyn inay jabiyaan go’aan ay gaartay Maxkamadda sare.

Arrintan ayaa durbaba muujineysa khilaaf ka dhex qarxay hey’adaha sharci dejinta iyo garsoorka, waxaana laga cabsi qabaa in arrintan ay saameyso madaxda ugu sareysa dalka.

Puntlandes.com

About The Author