Dhagayso: Faroole oo weerar afka ah ku qaaday Beesha Tanade Daarood kana soo horjeestay inay helaan Xaqooda

President of the Puntland State of Somalia, Abdirahaman Farole, arrives on June 22, 2012 in Nairobi at the venue of the meeting of the signatories of the roadmap for ending the transition in Somalia. The road map process started nine months ago in Mogadishu. The draft constitution, which experts say is the most critical task, will be decided during the August 2012 referendum. AFP PHOTO/SIMON MAINA (Photo credit should read SIMON MAINA/AFP/GettyImages)

26 July 2017 (Puntlandes) Madaxweynihii hore ee Puntland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Faroole haddana kamid ah Aqalka Sare ee DFS ayaa si adag uga soo horjeestay in la furo Dastuurka Puntland si ay Beesha Tanade Daarood u hesho mataalad cadaadal ku dhisan.

President of the Puntland State of Somalia, Abdirahaman Farole, arrives on June 22, 2012 in Nairobi at the venue of the meeting of the signatories of the roadmap for ending the transition in Somalia. The road map process started nine months ago in Mogadishu. The draft constitution, which experts say is the most critical task, will be decided during the August 2012 referendum. AFP PHOTO/SIMON MAINA (Photo credit should read SIMON MAINA/AFP/GettyImages)

Faroole wuxuu sheegay in aan la furi Karin Dastuurka, wuxuuna si layaab leh u IKRIRAY in horay wax looga bedelay Dastuurka, iyadoo taasi ay tahay mid cadaan ah in dhowr jeer wax laga bedelay.

Faroole oo ka hadlay shirka Isimadda ee ka socda Garowe oo ay Beesha Tanade gogoshiisa dhigtay si wax looga qabto tabashada ay qabto, ayaa Aflagaadeeyey Isimada Puntland isagoo ka dhigay inaysan waxba ka oran karin arimaha Puntland wuxuuna yiri ”odoyaasha halkan la isugu keenay oo lasoo lugooyey, wax Dastuur ka galay ma jiraan, haddeer ma fadhinaa, waxba kuma aydaan lihidin, Shaqadiinii waa dhamaatay…”

Faroole oo lagu yaqaan inuu afkaa furan u hadlo ayaa maanta si ba’an u weeraray Beesha Tanade, Wasiiradeeda heer Fadaraal iyo Puntland, Gobolka Mudug iyo Kililka 5aad, Isimadda Puntland iyo ugu dambayn madaxweynaha Puntland.

Faroole ayaa intii uu madaxweynaha ka ahaa Puntland waxa uu weerer Madaafiic iyo Taangiyaal uu u adeegsaday ku qaaday Beesha Tanade Daarood oo Puntland u ah laf dhabar isagoo u gaystay Xasuuq. Faroole maantana isagoo ah Senate Aqalka Sare ku metala Puntland ayuu wuxuu ku qaaday weerar ba’an oo afka ah isagoo qarsan kari waayey sida uu uga soo horjeedo in beesha Tanade gesho xuquudeeda matalaad ee Baarlamaanja Puntland.

Daawo madaxweynaha dawladda Puntland oo shalay Khudbad ka jeediyey furitaanka shirka Isimada Puntland

Faroole soo maaha Senate ka tirsan Aqalka Sare ee Baaarlamaanka Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya? muxuu Garowe ka qabanayaa soo Muqdisho looma dirsan?

Aqalka Sare Guddi ANSHAX ma leeyahay? Hadduu leeyahay waa inuu faroole talaabo ka qaadaa una ssheegaa inay shaqadiisu ay tahay Odoy Aqalka Sare ka tirsan.

Dhagayso Faroole oo muujiyey sida uu uga soo horjeedo in Beesha Tanade Daarood ay Xaqooda hesho


Puntlanders.com

About The Author