Sawirro: Guddi saraakiil ah oo ka shaqaynaya midaynta howl-gallada iyo tababarrada ciidamada oo la magacaabay

31 July 2017 (Puntlandes) Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa shir guddoomiyay kulan amniga dalka looga hadlayay oo lagu qabtay aqalka madaxtooyada dalka ee Villa Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay taliyeyaasha; militiriga, nabad sugidda, booliiska iyo asluubta kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta howlgalada dhanka ah Al-shabaab iyo xasilinta amniga dalka iyo xoojinta wada shaqeynta laamaha amniga ee wadanka.

Madaxweynaha ayaa saraakiishii kulanka ka qeybgashay kala hadlay sida lagama maarmaan u tahay in laga hortago falalka amniga darada ah oo ay la damacsan yihiin shacabka Soomaaliyeed kooxda nabad diidka ah ee Al-shabaab.

Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo madaxweynaha dalka ayaa intuu uu kulanka socday waxaa uu dhageystay talooyinka ay saraakiisha amniga soo jeedeen ee ku aadan sida loo sugi karo ammaanka, waxaana madaxweyne Farmaajo faray saraakiisha in ay ahmiyadda koowaad siiyeen ilaalinta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“Ciidankeena aniga waxaan aaminsanahay marar badanna waa iraahdaa waa ciidan fiican oo u soo diyaargaroobey in ay dalka u dhintaan, anaga waxaa nalaga rabaa madaxdii qaranka saadka, adinkana waxaa la idin ka rabaa qorshihii iyo howlgalkii,” ayuu yiri madaxweynaha.

Kulanka ayaa laga soo saaray in la dhiso guddi soo diyaariya qorshaha dowladda ay kula wareegayso amniga dalka, kaas oo loo xil saaray saraakiisha amniga.

Puntlandes.com

About The Author