XOG: Jawaari oo suxul duub ugu jira inuusan Faroole noqon Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka

06 August 2017 (Puntlandes) Dastuurka ay Soomaaliya yeelanayso wuxuu muddo dheer gacanta ugu jiray Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JF Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, arintaasi waxay u fududaysay inuu wuxuu doono ka badalo wuxuu doonana kusoo daro isagoo ugu horayn soo noqday Gudoomiyihii Guddiga dib u eegista Dastuurka kadibna noqday sanadkii 2012 Gudoomiyaha Baarlamaanka JF Soomaaliya ilaa hadana ah.

Gudoomiye Jawaari
Gudoomiye Jawaari

Jawaari ayaa si wayn uga horyimid in Wasiirka Dastuurka loo magacaabo mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, isagoo lasoo shaqeeyey dawladii KMG ah ee madaxweyne mudane Sheekh Shariif iyo RW mudane Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Xoosh na uu ka ahaa Wasiirka Dastuurka.

Wasiirka Dastuurka Xoosh

Wuxuu kaloo Jawaari aad walwal uga qabaa hadda in mudane Dr Cabdiraxmaan Faroole loo doorto Gudoomiyaha Guddiga Dastuurka ee labada Aqal ee Baarlamaanka JF Soomaaliya.

24a6
Sen Dr Faroole

Jawaari wuxuu aad u diidan yahay in Dr Faroole oo aqoon u leh mudana kasoo shaqeeyey dib u eegista Dastuurka qayb wayna kasoo qaatay markuu madaxweynaha Puntland ahaa.

Hadaba si uu Jawaari uga hor tago in Faroole la doorto wuxuu diyaariyey Mooshin ay Xildhibaanada Haweenka ah ay ku dalbadeen in Guddiga laga qayb galiyo maadaama aysan xubno ku lahayn. Guddiga ayaa wuxuu ka kooban yahay 10 xubnood oo sida Dastuurku qabo 5 xubnood laga soo doortay Aqalka sare, halka 5 xubnoodna oo kalena laga soo doortay Golaha Shacabka, waxayna kusoo baxeen Doorasho furan ee maaha xubno la magacaaby, hoos ka daawo Doorashadoodii.


Ujeedada uu Jawaari gadaal uga riixayo Haweenka ayaa ah siday ogaatay warbaahinta Puntlandes inay ka mid noqoto Guddiga Dastuurka Xildhibaan Maryan Cariif kadibna uu ugu ololeeyo inay noqoto Gudoomiyaha Guddiga. Maryan Cariif ayuu horay ugu dhiibtay Jawaari Gudoomiyaha Guddiga Dastuurka dawladii Xasan Sheekh uu madaxweynaha ka ahaa.

24a4
Xildhibaan Maryan Cariif

Jawaari ayaa qorshihiisa u dambeeya uu yahay in uu u dhiibto Dastuurka qof uu maamulan karo.

Sida la wada ogsoon yahay Mooshinkii ka dhanka ahaa wasiir Xoosh waxaa dabada ka riixayey Jawaari.

Si kastaba ha ahaatee iyadoo qorshuhu ahaa inay berri oo Isniin ah dhacdo doorashada Guddiga ayaa waxaa la filayaa inuu ka cagojiido ka qaybgalka iyo inuu ka shaqeeyo inaysan doorashadu dhacin xiligeedii.

Haday u suurto galiwaydo inuu Maryan Cariif Guddiga soo galiyo wuxuu isku dayayaa inuu qof kale taageero oo aan ahayn Dr Faroole.

24a8
Bidix Sen. Dr Faroole midig Gen- Sen. Cabdi qaybdiid

Doorashada Gudoomiyaha Guddiga Dastuurka ayaa waxaa ku tartamaya Dr Cabdiraxmaan Faroole iyo Gen Cabdi Qaybdiid inkastoo aysan khibrad iyo aqoon ahaan ka sinayn labadoodu.

24a5
Xildhibaan Ruush

Jawaari ayaa waxaa laga yaabaa haddii uu ku guuldaraysto abaabulka Haweenka inuu taageero inuu Musharax noqdo Xildhibaan Ruush oo ay isku beel yihiin.

Puntlandes.com

About The Author