Sawirro: Wefti uu Hogaaminayo Madaxweynaha Puntland oo U Ambabaxay Dalka Sucuudiga Say Usoo Gutaan Waajibaadka Xajka

Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Cabdiwali Maxmed Cali Gaas iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta gelinkii danbe 17 August 2017 safar ugu ambabaxay dalka Boqortooyada Sucuudiga, Safarka Maxweynaha iyo weftigiisa ayaa daaranaa gudashada waajibaadka Xajka oo ah mid kamida tiirarka islaamka, kaas oo looga baahan yahay qofkasta oo muslima oo awooda.

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo ka dhoofay magaalada Boosaaso ayaa waxaa ku wehelinaayey safarka Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi, iyo Murwadiisa iyo sidoo kale masuuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland, waxaana Madaxweynaha iyo weftigiisa garoonka diyaarada Boosaaso kusii sagootiyey maamulka gobolka Bari iyo degmada Boosaaso, taliska qeybta gobalka bari iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo kahor inta aanu safrin lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay isaga iyo weftigiisu aadi doonaan dalka Boqortooyada Sacuudiga, isla markaana ay soo gudan doonaan waajibaadka diiniga ah ee xajka, Madaxweynaha ayaa ka dhawajiyey in isaga iyo weftigiisu usoo ducayn doonaan dalka.

‘’Waxaan galabta u ambabaxaynaa dalka Sacuudiga oo aniga iyo guddomiyihii Baarlamaanka Puntland iyo ummad kale oo reer Puntland-ah aanu u aadayno gudashada waajibaadka Xajka, Illahay waxaan ka baryayaa inuu naga aqbalo gudashada waajibaadka Xajka dhammaantayo, Insha Alla haddaanu tagnona waanu soo ducaynaynaa in Illahay dalkayaga nabad noogayeelo, In Illahay horumarka iyo wanaagga noo siyaadiyo, In Illahay wixii dhib ah oo jira naga dulqaaado oo noo fududeeyo’’ ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ummaadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka reer Puntland ka dalbaday inay usoo duceeyaan isaga iyo weftigiisa, isla markaana ay soocafiyaan, soona saamaxaan cid kasta oo wax tabanaysa haddii ay jiraan.

Ugu danbayntii, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka reer Puntland kula dardaarmay inay Ilaashadaan nabad gelyadooda iyo xasiloonidooda, isla markaana ay la shaqeeyaan ciidamadooda sugaya amaankooda, Madaxweynaha ayaa sidoo kale Alle ka baryey inuu nabad kusoo celiyo, dalka oo nabadana ay dib ugu soo laabtaan.
IMG_6421

IMG_6494

IMG_6423

IMG_6456

IMG_6432

IMG_6424

IMG_6498
Puntlandes.com

About The Author