Sawirro: Wasiirka maaliyada Puntland oo kormeeray degmada Tukaraq & fariisimada Ciidanka difaaca Puntland

18 Aug 2017 (Puntlandes) Wasiirka Maaliyada Dowladda Puntland Cabdulaahi Siciid Caarshe dhaqaaje ayaa maantay kormeer shaqo ku tagay xarumaha ay dagan yihiin ciidamda Difaaca dawladda Puntland ee gobalka Sool iyo kastamka canshuuraha Turkaraq.

Wasiirku waxaa uu la kulmay masuuliyiinta degmada Tukaraq iyo maamulka maaliyada isagoo ka xog waraystay sida ay u socoto canshhur qaadista degmadu iyo howlaha shaqo ee ka socda.

Wasiir Cabdulaahi ayaa sidookale waxaa uu booqday fariisimada ciidamadu ay kaga suganyihiin aagagaas asagoo indho indhayn ku sameeyey qaabka ay ciidamadu ugu diyaar garoobeen difaaca dalka.

Waxaa uu warbixin ka dhagaystay Kornayl Jamcaale Jaamac Takar oo hogaaminaya ciidamada sugun halkaasi isagoo ka xog waraystay xaaladaha ay ku nool yihiin ciidanku

Kornayl Jamcaale ayaa sheegay  in wasiirkii Cabdulaahi uu yahay wasiirkii ugu horeeyey ee booqda furimaha ay ku suganyihiin ciidamadu waxaana intaa raaciyey inay diyaar u yihiin inay dalkooda difaacaan marwalba.

”Hadii aad ahaan lahayd nin baasaboor ajanabi ah watah noomaadan timaadeen balse waxaad tahay nin daljoog ah”ayuu yiri Kornayl Jamcaale.

Wasiirka Maaliyada Dowladda Puntland Cabdulaahi Siciid Caarshe Dhaqaaje ayaa dhankiisa uga mahad celiyey maamulka degmada Tukaraq iyo ciidamada difaaca Puntland,isagoo intaa raaciyey inuu ku dadaalayo sidii ay u heli lahaayeen xuuuqda ay leeyihiin.

”Shacabku waxaa ay ku seexdaan ciidamada anaguna waxaan balan qaadaynaa inaan siino mushaarkooda iyo xaqa ay leeyihiin”ayuu yiri wasiir Cabdulaahi.

Wasiirka oo 7-bishaan loo magacaabay wasiirka maaliyada ah wasiirkii ugu horeeyey ee booqda furimaha ay ku suganyihiin ciidanka difaaca Puntland arintaas kor u qaadaysa niyada ciidanka.

Daawo sawirrada

                   

         

About The Author