Garowe: Kuma soo abaabulay shir jifiyeedkii loogu gafey Madaxweynaha Puntland (XOG Xasaasi ah)

21 Aug 2017 (Puntlandes) Waa markii ugu horeysay taariikhda inta laga war hayo oo lagu arko Garowe Odoyaal u badan kuwooda aan ehelka u ahayn cilmiga iyo meesha adduun marayo oo warbaahinta lasoo fariista hadalo ay ku leeyihiin “ku beesha caalamka,ku urur goboleedka IGAD iyo arrimo kale oo aan shaqadooda ahayn taasoo malaha ula ekaatay magtii iyo kala dhicinta xiisado qabiil.

27b2a

Abshir Cumar Huruuse waa nin caan ka ah Gobolka Nugaal, kana mid ah Tujaarta Boobka iyo Musuqmaasuqa ku helay hanti farobadan sida Qasriga uu degan yahay Xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobay ee Garowe, UNSOM, oo 90% la aaminsan yahay inuu ka dhistay dhaca aan loo meeldeyin ee uu u gaystay haya’adda ICRC oo shaqada looga eryey ariimo ay ugu wayn tahay Musuqmaasuqii uu kula kacay.

Shaqsiyan Taajir Abshir Cumar Huruuse ma ahan nin ehel u ah Cilmiga isla markaasna ma jirto heer ku filan oo uu ka gaaray waxbarashada sida xaqiiqda ah.

Nasiib daro todobaadyadii lasoo dhaafay wuxuu Taajir Abshir ka dhul bilaabay Siyaasad guracan kadib markii sida ay xogtu nagu soo gaarayso ay qaar ka mid ah Af-maaladu ku dhaliyeen inuu isku dayo sidii uu ku noqon lahaa musharaxa kaliya ee kasoo jeeda Beesha Ciise Maxamuud ee doorasha fog ee 2019ka.

Wuxuuna nasiib daro Taajir Abshir ku dhaqaaqay qorshe guracan oo aan ehel u ahayn wanaaga iyo olole siyaasadeed, kaasoo ahaa kii maanta ay ku aflagaadeyeen odoyaashii Xoolaha ku haystay QARARKA EYL, madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, oo uu tadobaadyadii lasoo dhaafay ku hayey Taajirku hool yar oo ku yaala meheradda Magaceeda la yiraahdo New WAAMO Garowe oo ay Maqaaxi cunto ku haysato Abshir Cumar Huruuse walaashiis.

Waxayna halkaas ka soo saareen bayaan ku sheeg aan shaqadooda ahayn oo aan ka tarjumayn afkii dhaqanka isla markaasna qalqaalo looga raadinayo dawlada fadaraalka Soomaaliya  odoyaal reer miyi ah oo ku doodaya inay burinayaan ama kasoo horjeedaan go’aankii madaxweynaha Puntland ee taageerida xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka iyagoo gacan saaxiibtinimo iyo xulufo siyaasadeed ka filaya madaxweyanah DFS Maxamed Cabdulaaahi Farmaajo, ninka awooda ku leh Villa somalia FAHAD YASIN iyo Raysul Wasaare Khayre.

27b2

Taajir Abshir ayaa qaylodhaanta odoyaasha waxa uu wax uga doonayaa Villa Somalia, isagoo muujinaya inuu khal-khal galin karo Puntland haddii ay qandaraas kusiiso Villa Somalia.

Tani waxay fasiraysaa heerka aqoon xumo ee uu Taajir Abshir ka taagan yahay siyaasadda.

Taajir Abshir waxa uu ahaa sanadkii 1991dii dawarawal gaari Booyayadeed, maantana waxa uu ka mid yahay Tujaarta gobolka Nugaal.

Waana nin aan ehel u ahayn siyaasad waligiisna xil masoo qaban, marka laga reebo Xafiiska ICRC oo dhac ba’an uu ka gaystay.

Taasoo la rumaysan yahay inuu ka caawiyey in la shaqaaleeyo Cabdulaahi Ciise oo Seedigiis ah oo hayey xafiiska.

Odoyaasha uu adeegsaday maanta Taajir Abshir kama tarjumayaan aragtida Jifada ama Beesha Obokar Ciise ee Beelweynta Ciise Maxamuud, waayo goobta kama aysan dhex muuqan labeenta Beesha Obokar Ciise lagu yaqiin ee waxa laga waydiin jiray talada.

Magacyada Nabadoonada Beesha Abokor Ciise oo ka maqnaa madasha lagu afla gaadeeyay Madaxweynaha Puntland waxaa ka mid ah:

  • Nabadoon Shaafici Xirsi Firato
  • Nabadoon Khaliif Awcali
  • Nabadoon Raage Xirsi Cali Bootaan
  • Nabadoon Ciise Caduur
  • Nabadoon Maahir Aadan Dibin daabyo
  • Nabadoon Shoombe Axmed Farajar
  • Nabadoon Indho Ceel
  • Nabadoon Cabdulaahi Maxamed Jibriil
  • Nabadoon Bashiir Cabdi Cali

Dhammaan intii ehelka u ahayd Caqliga iyo Cilmiga ee lagu yaqiin, maamuusna ku lahayd Gobolka Nugaal

Waxaana lagu wadaa ku darsoo beri subax inay shir jaraa,iid oo ay kaga jawaabayaan arrintaan uu soo abaabulay Taajir Abshir Cumar Huruuse ku qabtaan magaalada Garoowe.

Ugu dambayntii soomaalidu ayaa waxay tiraahdaa “Shimbiri maalin bay dab qaaday, maalintiina buulkeedii ayey gubtay” Taajir Abshir talaabadii u horaysay ee uu qaado wuxuu ku gubay Mustaqbalkiisii uu ka lahaa doorashada fog ee Puntland 2019ka.

Puntlandes.com

About The Author