Degmada Bursaalax oo ay Gudoomye Abgaaloow & Saraakiil kale shaqo culus ka bilaabeen! Maxay tahay?

21 Aug 2017 (Puntlandes) Kadib markii uu ku guulaystay Gudoomiyaha Gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliff Abgaaloow oo kaashanaya Taliyaha Ciidanka Daraawiishta ee Gobolka Muduh Cabdirashiid Qodhob hawlgalkii bilic kusoo celinta, qaabaynta iyo xasilinta Amniga ee degmada Galdogob, ayey waxay usoo uruqaansadeen Degmeda Bursaalax ee Gobalka Mudug.

27b3

Waxayna ka bilaabeen maanta Bursaalax Shaqo culus oo isagu jirta banaynta wadooyinka xiran, qaabaynta magaalada iyo yagleelida maamul majaraha u qabta hogaanka degmada.

Hawlgalkan qaabaynta Degmada ee aadka u baaxadda weyn ayaa ku bilowday banaynta wadooyinka iyo naqshadaynta magaalada ilaa hadana wax walba sidii uu qorshaystay maamulka Gobolku  ayay ku socdaan.

Gudoomiyaha Gobolka Xasan Maxamed Khaliff Abgaaloow oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in qorshahani yahay Siyaasada Dawlada Puntland ee ay majaraha u hayaan madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo madaxweyne kuxigeenka Eng Cabdikaxiim Cabdulaahi Cumar Camey oo ahayd in laga dago wadada laamiga ah isla markaasna maamulka ladaadajiyo ayadoo xooga lasaarayo kaabayaasha Dhaqaalaha.

Abgaaloow ayaa waxa kaloo uu sheegay in iyagoo siyaasadaas qeexan ka duulayna gudanaynana waajibaadkooda Dastuuriga ah ee saaran ay bilaabeen 6dii bilood ee lasoo dhaafay in ay hadba Degmo kadhigtaan saldhig isla markaasna ay wax kaqabtaan Amniga, bilicda iyo qaabaynta degmadaas iyagoo si dhaw ula shaqaynayna maamulka heer Degmo iyo shacabka.

Dadweynaha kunool Degmada BURSAALAX ayaa siweyn usoo dhaweeyey shaqada laga bilaabay degmadooda, iyagoo si dhow ula shaqaynaya.

Puntlandes.com

About The Author