Garowe: Nabadoono & Odayaal la been abuurtay oo saxaafada la hadlay

22 Aug 2017 (Puntlandes) Waxaa caasimadda Puntland ee Garowe shir jaraa’id ku qabtay sidii ay xalay aay daabacday Warbaahinta Puntlandes Nabadoono, odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda Beesha Onokar Ciise ee beelwaynta Ciise Maxamuud, kuwaasoo si xoogan u cambaareeyay been abuur laga sameeyey magacyadooda iyo saxiixooda.
27b4

Nabadoonada ayaa Shirkooda jaraa’id waxay ku cadeeyeen inaanay ka qeyb galin isla markaana aysan wax talo ah ku lahayn kulan ay qabteen shakhsiyaad kasoo jeeda Beesha oo hadalo aan munaasab ahayn ka sheegay madaxweynaha dowladda Puntland.

Nabadoon Khaliif Aw Cali oo kamid ah nabadoonada Beesha Obokar Ciise kana mid ahaa Nabadoonadii shirka jaraai’id qabtay ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin in iyadoo la sheegayo magaca beesha Abokar Ciise loo gafo madaxweynaha dowladda Puntand.

Nabadoonadda ayaa waxayna arrintaan ka bixiyeen raali gelin guud.Nabaddoonku wuxuu sheegay dadkii shalay ku shiray Garowe inay u badnaayeen qolyo sheegta inay yihiin nabaddoono iyo kuwa siyaasada kusoo fashilmay oo doonaya inay iska horkeenaan dowladda Puntland iyo shacabka gobolka Nugaal.

Nabadoonadda ayaa waxayna arrintaan ka bixiyeen raali gelin guud.

Haklan hoose ka akhri XOG ay xalay warbaahinta Puntlandes ka qortay

Garowe: Kuma soo abaabulay shir jifiyeedkii loogu gafey Madaxweynaha Puntland (XOG Xasaasi ah)

Puntlandes.com 

About The Author