Sawirro: Dugsiyada Hoose/dhexe & Sare ee Bursaalax oo Hay’adda Read Horn Of Africa Australia ku wareejisay buugaag kala duwan

30 Aug 2017 (Puntlandes) Munaasabad ballaran oo ka dhacday maanta Dugsiyada Hoose dhexe iyo Sare ee  Degmada Bursaalax ayaa waxay Hay’adda Read Horn Of Africa Australia (RHOA) ugu wareejisay buugaag loogu talogalay inay Ardayda Dugiyadu isticmaalaan.

Buugaagta ayaa iskugu jirta barashada iyo Ku hadalka Luqadda Englishka,  buugaag shekoyinka Soomaaliga ah iyo xayawanaadka buugtaas oo uu qoray Qoraa Abduraxman Shikh kalif Wayrax.

Munaasabadda warejinta buugaagta ayaa waxaa kasoo qayb galay Maamulka Mashruuca, maamulayaasha dugsiyada maanta Dugsiyada Hoose dhexe iyo Sare iyo waalidiinta waxayna u mahadceliyeen RHOA Australia iyo Al Taqwa Islamic School Melbourne Australia.

Maamulka iyo kasoo qaybgalayaashu Waxayna si gooni ah ugu mahadceliyeen mudane Dr Xasan Yuusuf Dhuux oo ka mid ah aasaasayaashii Mashruuca Horumainta Bursaalax, oo suurto geliyey ama isku soo dubariday in Buugaagtaan la keeno ama lagu wareejiyo Dugsiyadda.

Daawo sawirrada
1

2

2a

3

4

5

6

7

8

9

10
Puntlandes.com

About The Author