Dhagayso: RW Khayre oo sidii caadada u ahayd ka noqday go’aankiisii ahaa in Golaha Wasiirada ogolaansho la’aan isticmaali karin Warbaahinta

30 Aug 2017 (Puntlandes) Dhawaan ayaa waxaa kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya warqad amar ah oo lagu farayo Golaha Wasiirada inaysan isticmaali karin baraha bulshada iyo warbaahinta qeybaheeda kala duwan, iyagoo aan ogolaansho heysan Ra’iisul Wasaaraha.

41b

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sidii caadada u ahayd ka noqday go’aankaas aadka ay ummadda Soomaaliyeed ay ula yaabtay ee ahaa inaysan Golaha Wasiirada ogolaansho la’aan isticmaali karin Warbaahinta qaybaheeda kala duwan.

Khayre  ayaa u bedelay go’aankiisii hore in Wasiir kasta uu ka hadli karo Wasaaradiisa arimaha khuseeya iyo shaqadiisa,  halka uu awal ahaa amarku inaysan isticmaali karin ama ka hadli karin waxna ku qori kari ogolaansho la’aan.

Dhagayso Khayre oo sidii caadada u ahayd ka laabtay go’aankiisii hore

Wasiirka arrimaha Gudaha, Fadaraalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaliya mudane Cabdi Siciid Faarax (Juxa) oo ka hadlay go’aankii Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ee Golaha Wasiirada Soomaaliya looga mamnuucay inay Saxaafadda & Barajha Bulshada isticmaalaan, iyagoo aanan fasax ka haysan Ra’iisal Wasaaraha.
uxaa oo la hadlaayay Idaacada BBC, ayaa sheegay wixii shaqada Wasaaradda arrimaha Gudaha ku saabsan inuu ka hadlo karo, maadaama uu yahay Wasiirka arrimaha Gudaha.

Wasiir Juxa ayaa yiri “Waxaan la filayaa go’aankaasi lama xiriirto shaqadeyda, anigoo kale hadda waxaan ahay Wasiirka arrimaha Gudaha, shirkaan anaga ayaan qaban qaabinay, tan oo kale fasax uma qaadaneyno, laakiin haddii ay noqoto arin kale oo Siyaasada dalka khuseysa oo aanan aheyn shaqadayda, malaha taas ayaa loola jeedaa tana ma khuseynayso, waan leeyahay facebook waan isticmaalaa, laakiin waan aqaan waxaan gelinaayo iyo inaan ka fiirsado waxa ay tahay.”

Dhagayso wasiir Juxa oo BBC ka waraysatay arinkan


Halkana ka akhriso go’aankii hore
27d
Puntlandes.com

About The Author