Sawirro: Shaqadii Dhismaha iyo ballaarinta Dekeda Bosaso oo Bilaabatay

31 Aug 2017 (Puntlandes) Waxaa Magaalada Bosaso Dhowaan Soo Gaaray Teemkii Ugu horayay Ee Bilaabi lahaa Mashruucii Weynaa ee Lagu Dhisayey Dekeda Magaalada Bosaso oo dhowaan ay dawladda Puntland la hashay Shirkada DP World Heshiis Lagu Wareejiyeyo.

Shaqaalaha soo gaaray Bosaso ee ka Socday Shirkada ayaa waxay diyaariyeen Guryihii iyo Xafiisyadii lagu sii shaqayn lahaa Inta la keenayo Qalabkii badnaa ee shaqada lagu dhamaystiri lahaa.

Waxaana dhowaan la filayaa in ay magaalada Bosaso soo garaan wafdi ballaaran oo ka socda Shirkada DP World.

Wafdigaan ayaa muhiimadoodu tahay sidii ay uga guul gaarilahayeen Dhismaha cusub ee Dekeda Bosaso oo baahi weyn ay u qabaan shacabka guud ahaan Somaliyeed.

Mashruucaan ayaa ka mid ah mashruucyada ugu waaweyn ee ka hirgeli Doona Pentland gaar ahaan Magaalada Bosaso. Hirgelinta iyo Casriyeynta Dekeda Bosaso waxay lafdhabar u tahay ganacsiga umada Soomaliyeed meel walba oo ay joogaan.

Dhanka kale Shirkada DP World ayaa ka fulinaysa Gobolka Bari iyo hareeraha magaalada Bosaso Mashaariic ay dadka deegaanku ka faa’iidaystaan kusoo kala ah:

  • Qodid Ceelal Biyood oo hor leh
  • Shaqo abuurkii ugu balaarnaa
  • Goob Ganacsi (FREE ZONE)
  • Goobo lagu Naaxiyo Xoolaha
  • Adeeg Caafimaad oo Guuraya (Mobile Medical Service)
  • Horumarinta Kallumaysiga
  • Horumarinta Guud ahaan arimaha Bulsha

Puntland ayaa waxaa ka socda Mashaariic horumarineed kuwaasoo ay suurto gelisay dawlada uu madaxweynaha ka yahay Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxayna Puntland ku hogaamisay GUUSHII UGU WAYNAYD oo ay ka gaarto Dhanka Horumarinta.
Daawo sawirrada
1

1a

2

3

3a

4

6

7

8

9

10

11

12
Puntlandes.com

 

About The Author