Dhagayso: Ethiopia oo Xaqiijisay inay DFS usoo Dhiibay Qalbi-Dhagax

31 Aug 2017 (Puntlandes) Dowladda Ethiopia ayaa markii ugu horreysay xaqiijisay in dowladda Soomaaliya ay u soo gacan galisay sarkaal sare oo ka tirsanaa ururka ONLF oo toddobaadkii hore la sheegay in lagu qabtay magaalada Gaalkacyo.

27d6

Dr. NEGERI Lencho, wasiirka arrimaha warbaahinta dowladda Ethiopia ayaa wareysi uu siiyay qeybta Afka Amxaariga ee idaacadda VOA ku sheegay in dowladda Somalia ay usoo gacan galisay Cabdikariim Sheekh Muuse oo ka tirsanaa ururka ONLF.

“Waxaan kuu xaqijiyay in Ethiopia loo soo gudbiyay sarkaalka ONLF ka tirsan, waxaana soo gudbinta ay ku dhacday heshiis nagala dhaxeeya dowladda Somalia. Mas’uulkan wuxuu ka tirsan yahay ururka ONLF oo ah urur argagixiso ah” ayuu yiri.

Dhagayso warbixin ay VOA ka diyaarisay


Puntlandes.com

About The Author