Alshabaab oo beenisay sheegistii DFS ee ahaa in Qalbi-Dhax la shaqeeyo Alshabaab

6 Sept 2017 (Puntlandes) Xarakada Al-Shabaab ayaa iska fogeysay war ay maanta soo saartay Xukuunadda Soomaaliya ee uu hogaamiyo Xasan cali Kahyre, oo lagu sheegay in Sarkaalkii Jabhada ONLF Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax ee dhawaan ay DFS u gacan geliyay dowlada Itoobiya uu xiriir la lahaa Xarakada Alshabaab.
27d1
Qoraal ka soo baxay xafiiska warfaafinta Xarakada Alshabaab ayaa lagu yiri “Mujaahidiinta Alshabaab waxay si adag iskaga fogeynayaan hadal kasoo yeeray kooxda Farmaajo, oo lagu sheegay in Shaqsiga lagu magacaabo Cabdi Kariim Sheekh Muuse (Qalbidhagax) kana tirsan jabhada ONLF uu iskaashi la lahaa Alshabaab.

Alshabaab waxay sheegtay in haba yaraatee wax xiriir ah aysan la laheyn C/kariim Sheekh Muuse oo Qalbi dhagax ku magac dheeraa.

“Ma jiro mana jirin wax xiriir ama iskaashi ah oo ka dhexeeyay ama dhexmaray Cabdi Kariim Qalbi-Dhagax ama Jabhada uu ka tirsanaa ee ONLF iyo Xarakada Al-Shabaab. Waa war aan sal iyo raad toona lahayn oo kooxda Farmaajo ay ku doonayso inay qiil uga dhigato falkii ay Qalbi-Dhagax ugu gacan geliyeen Itoobiya,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay.

Puntlandes.com

About The Author