Sawirro: Ciidan Booliiska Bosaso oo qabtay Xashiishad, shaqsiyaadkii waday & kuwii ay u wadeen

10 Sept 2017 (Puntlandes) Taliska Qeybta Booliska ee Gobalka Bari ayaa soo bandhigay xaashiish ka kooban laba kiilo iyo gaariigii waday oo ciidamada amaanku ku qabteen kantaroolka laga soo galo magaalada Bosaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Ciidamada amaanka waxaa sidoo kale u suurto gashay soo qabashada shaqsiyaadkii waday iyo kuwii ay u wadeen oo ku sugnaa gudaha magaalada Bosaso .

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Barri Cabdixakiin Yuusuf Xuseen ayaa sheegay in ciidamada kantaroolka magaalada Bosaso u suurtagashay soo qabashada maandooriyahaan.

Gudoomiyaha Gobalka Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhado oo ku sugnaa madasha lagu soo bandhigayey maandooriyahaan ayaa amaan u soo jeediyey dhammaan laamaha amaanka ,waxaana uu ku bogaadiyey shaqada ay hayaan .
29a

29a1

29a2

29a3
Puntlandes.com

About The Author