Sawirro: Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare Puntland oo sagootiday Arday deeq waxbarasho loogu diray dalka Suudaan

10 Sept 2017 (Puntlandes) Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare Puntland ayaa maanta 20 arday udiratay deeq waxbarasho oo dalka Suudaan ah , kuwaas oo kaalimaha sare ka galay imtixaankii shahaadiga ah fasalka 4-raad ee dugsiga sare.

Munaasabad ardayda lagu saagootinayey oo lagu qabtay Garowe waxaa ka qayb galay Wasiirka waxbarashada Puntland Abshir Ow-yusuf Ciise iyo xubno kale oo ka tirsan wasaaradda.

Ugu horrayn waxaa munaasabada ka hadlay agaasimaha guud ee Wasaaraddaa Maxamed Cabdulqaadir Cismaan isagoo sheegay in wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland markasta ku da daasho u xaq sooridda ardayda reer Puntland gaar ahaa xilliyada imitxaaanadka iyo deeqaha waxbarasho.

Mid kamid ah ardayda deeqda waxbarasho ka helay dalka Suudan ee maanta la saagotiyey oo lagu magaacbo Cabdikariin ayaa goobta ka amaanay wasaaradda waxbaarshad oo uu ku tilmaamay mid u cadaaladsamaya ardayda reer Puntaland.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda waxbarashada Puntland Dr:Maxamed Cali Faarax ayaa ardayda kula dardaarmay in ay waxbarashadooda ka salgaaraan,iskana ilaaliyaan waxkasta oo ka hor istaagaya.

ugu dambayn wasiirka waxbarashada iyo taclinta sare ee Puntland Abshir Yusuf Ciise ayaa munaasabadda soo xiray , wuxuu ardayda ku booriyay in ay ilaaliyaashadaan dhaqanka dadnimada iyo diintoodaba, isagoo tilmaamay inuu ku faraxsan yahay inuu maanta arday u sagootiyo waxbarasho dibadda ah.

20-ka arday ee maanta loo saagootiyey dalka Suudan ee deeqda waxbarasho ka helay ayaa ka qayb ah boqolaal arday ah oo sannadkasta Wasaaradda waxbaarshada Puntland sanadkasta u dirto deeqo waxbarasho oo dibadda ah.

Sawirro

About The Author