Wafti uu hogaaminayo Madaxwayne kuxigeenka Puntland Eng. Camey oo maanta kormeer shaqo ku tagey deegaanka Godad & Gacmo-fale ee Gobolka Mudug

10 Sept 2017 (Puntlandes) Wafti balaaran oo uu hogaaminayo Madaxwayne ku xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxwaynaha Eng. Cabdixakiim Xaaji Cabdullahi Camey ayaa maanta kormeer shaqo ku tagey deegaanka Godad iyo Gacmo-fale ee Gobolka Mudug.

29a8

Waftiga Madaxwayne xigeenka oo ay mid ahaayeen Wasiirada wasaaradaha ganacsiga iyo kaluumaysiga, Xildhibaano iyo saraakiisha ciidamada ayaa kuurgalayey xaaladda abaareed iyo nabadgalyo ee ka jirta deegaanka dhaca bariga Gobolka mudug ee Puntland.

Madaxwayne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng Camey oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada difaaca saldhigga koonfureed ee Godad ayaa ku amaanay shaqada ay Dalka u hayaan, wuxuuna u sheegay in xukuumadda puntland ay markasta ka go’an tahay tayeynta daryeelka iyo ciidamada qalabka sida ee Puntland.

Waftiga Madaxwayne ku xigeenka ayaa caawa dib ugu soo laabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

 

Puntlandes.com

About The Author