Aqalka sare oo maanta ka kulmaya go’aankii Xukuumadda ee arrinta Qalbi Dhagax

11 Sept 2017 (Puntlandes) Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta kullan ka yeelanaya go’aankii Xukuumadda ay ka qaadatay arrintii C/kariin Qalbi Dhagax oo ahaa Sarkaal ka tirsanaa Ururka ONLF, ayna xukuumaddu u gacan geliyay dowladda Itoobiya.

29a9

U dhiibista Itoobiya ayaa waxaa ka dhashay xiisad siyaasadeed iyo mid bulsho, iyadoo a si weyn uga  soo horjeesteen shacabka Soomaaliyeed.

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta oo Isniin ah ka doodaya arrinta Qalbi Dhagax iyo go’aankii Xukuumadda ka qaadatay 6-dii bishan.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa sheegay in Goluhu uu go’aan ka gaarayo sax iyo qalad qaraarkii Xukuumadda ka qaadatay kiiskan oo Xukuumadda ku furay xaalado siyaasadeed.

Hadii uu Aqalka sare ka soo baxo diidmo go’aankii Xukuumadda waxay culeys wayn ku kordhineysaa Xukuumadda Khayre iyadoo tirtiraysa go’aankii ay xukuumadu wax uga bedeshay dastuurka dalka ee qeexaya Soomalinimada.

Puntlandes.com

 

About The Author