Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka oo go’aamiyay in berri Golaha Shacabku ka doodo arinta Qalbi-Dhagax

12 Sept 2017 (Puntlandes) Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka JF Soomaaliyeed ayaa kulan uu maanta yeeshay ku go’aamiyay in berri oo Arbaco ah kullan uu yeelanayo Baarlamaanka ka doodo arrinta  Cabdikariin Shekh Muuse Qalbi-Dhagax.

29b2

Guddiga joogtada ah ayaa ku wargeliyay xildhibaanada Baarlamaanka kullankaas. iyadoo loo direy dhammaan xildhibaanada fariimo loogu sheegayo in ay ka soo qeybgalaan kulankan.

Kulankan ayaa waxaa uu yahay mid muhiim ah iyadoo arrinta Qalbi-Dhagax ay noqotay mid xasaasi ah kadib markii dhowaan Golaha Wasiirada kulan ay yeesheen ay dowlada ku qiratay inay u gacan gelisay Cabdikariin Cumar Maxamed Qalbidhagax.

Kullan ay yeelan lahaayeen xildhibaanada Baarlamaanka ayaa kooram la’aan u baaqday iyadoo qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay ku eedeeyeen dowlada inay ka dambeysay in kulankaas uu baaqdo.

Dhanka kale kulan ay shalay yeesheen shalay Senatarada Aqalka Sare ayaa waxaa hareeyay arrinta ka doodista Qalbi-Dhagax,hase yeeshee cod loo qaaday ayaa dib loogu dhigey qodobkaas.

Dowlada Federalka ayaa culeys weyn ku noqday arrinta ku saabsan Cabdikariin Qalbi dhagax iyadoo ay weli taagan tahay xiisada ka dhalatay u gacan gelinta dowlad Ethiopia sarkaalkan ka tirsanaa ururka ONLF.

Khilaafka ka dhashay dhiibista Qalbi-Dhagax ayaa ku soo beegmaya iyadoo toddobaadka soo socda lagu wado in ra’iisal wasaaraha dowlada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu ka qeybgalayo shirka Qaramada Midoobay oo ka dhacaya dalka Maraykanka.

Puntlandes.com

About The Author