Digreeto Kasoobaxday Xafiiska Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Ahna Kusimaha Madaxweynaha oo Xilka Looga Qaaday Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada Ee Xiriirka Gobolada Puntland.

Madaxtooyadda-Puntland

Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cadixakiin Xaaji Cabdullahi Cumar Camey ayaa xeer Lr-19  September 13 2017, xilka kaga qaaday Wasiirru Dawlihii Madaxtooyada ee Xirirka Gobolada Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland.

Markuu Arkay:                  Dastuurka Dawladda Puntland.

Markuu Arkay:                  Habdhaqan lidka ku ah Hannaanka Dawladnimo.

Markuu Garawsaday:     Mas’uuliyad darrada uu ku kacay.

 

Wuxuu  Xeeriyey:

  1. Wuxuu xilkii ka qaaday Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Gobolada Puntland Bashiir Cabdiraxmaan Xaaji Gurxan.
  2. Xeerkani Wuxuu dhaqan-gelayaa Markuu Madaxweyne Ku-xigeenka Saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweyne Ku-xigeenku.

29b3

About The Author