warbixin : Khilaafka Khaliijka oo hoos u dhac u kenay dhaqdhaqaaqii iibka Maydiga

Puntland waxay ka mid tahay deegaanada hodonka ku ah dhirta ay ka
baxaan Xabkaha sida Maydiga oo ka baxa qaybo badan oo kamid ah
gobolada Puntland gaar ahaan Gobolada Bari, Sanaag iyo Gardafuu.

Ka Ganacsiga Maydiga ayaa waxaa ku xiran oo ka shaqaysta xoogmaalato,
shaqaale iyo ganacsato badan iyadoo loo dhoofiyo dalka dibadiisa oo
loo iib geeyo jasiirada carabta iyo dalalka khaliijka gaar ahaan
Boqortooyada Sucuudiga iyadoo uu dhaqaale xoog lihi dalka uga soo
xaroon jiray ganacsigaasi , dhaqaalahaasi oo ay ku tiirsanaayeen
boqolaal kun oo qoys .

Hoos u dhaca ku yimi dhaqdhaqaaqa iibka maydiga ayaa ku biiraaya hoos
u dhac ballaran oo sidoo kale saameeyay shaqadii kaluumaysiga xeebaha
Puntland oo ay horay saamayn xoog wayn ugu yeesheen dagaalada dalka
yaman oo ahayd suuqa ugu wayn oo ay kaluumaysato u iib gayn jireen wax
soo saarkooda

Dr. faatax cali c/raxmaan oo kamid ah ganacsatada maydiga ayaa uga
waramay warbaahinta sababaha keenay hoos u dhaca ku yimaaday
dhaqdhaqaaqa iibka maydiga asagoo marka hore sheegay in hoos dhacaas
uu kala mid yaha xoolaha nool iyo kaluumaysiga

Dr. faatax cali ayaa intaasi ku daray in xiisada ka dhex aloosan
dalalka khaliijka carabta ay saamaynta ugu wayn ku yeelatay hoosu
dhaca ku yimid dhaqdhaqaaqa iibka maydiga kadib markii uu istaagay
dhaqdhaqaii ganacsi ee dalalkasi dhexdooda ahaa iyadoo uu hoos dhac ku
yimi qiimihi lagu iib gayn jiray

Dr. faatax cali ayaa dhinaca kale sheegay in ay sidoo kale ay hoos u
dhacday tayada , sida tayadii mushaadka iyadoo oo ay arintaas sababtay
abaaraha soo noqnoqday ee ka jiray deegaanada soomalida oo ay kamid
ahaayeen deegaanada Puntland waxaana uu maydigu maraa dhawr sieyn ah
si tayada Xabkaha looga dhigo kuwo ku haboon in Suuqyada dibada loo
iib geeyo.

Sidoo kale Dr. faatax cali ayaa sheegay in ay sababaha ay kamid tahay
sharciyada oo ay dawlada sucuudigu ku adkeeysay dadkii wasici jiray
maydiga iyo sidoo kale dawlada Puntland oo inay cashuur ka qaado
maahee aan waxna u qaban ilaha dhaqaalaha ee shacabku ku tiirsanyahay

Iayadoo dawlda Puntland iyo wasaarada ganacsigu ay ku fashilmeen
doorkii laga rabay ee loo igmaday , waxayna ka gaabiyeen inay suuqyo u
raadiyaan ilaha dhaqaalaha ee shacabku ku tiirsanyahay sida khayraadka
baddaha, xoolaha nool iyo maydiga
29b5

29b5a

29b5b
mohamed haaji

About The Author