Sawirro: Yusuf Garaad oo mar kale la kulmay Safiirka Imaaraatka ee Soomaaliya

14 Sept 2017 (Puntlandes) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee DFS Yusuf Garaad Cumar Axmed ayaa maanta xafiiskiisa ku qabilay Danjiraha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Danjire Maxamed Axmed Cismaan Al Hammadi, isagoo kala hadalay Mashaariicda horumarineed ay Imaaraadku ka wado Soomaaliya.

Wasiir Yuusuf Garaad ayaa boggaadiyay kaalinta dowladda Imaaraat-ka carabta kaga aaddan taageeridda Soomaaliya, waxaana uu ku sheegay in xiriirka labada dal uu ka dhigan yahay tusaale, halbeegiisu yahay isdhaafsi xushmad iyo iskaashi miro-dhala.

Dhanka kale, Yusuf Garaad  ayaa caado ka dhigtay markuu maqlo in Imaaraadku ay maalgelinayaan ama madaxweynaha dawaladda Puntland oo booqasho ku tagay dalkaas inuu u yeerao Safiirka kalana hadlo arinmaha horumarineed ee ay Imaardku ka wado Puntland.

 

Puntlandes.com

About The Author