Akhriso Qodobadda 53aad & 54aad , maxay tahay awoodaha dawlad Goboleedyadu?

25 Sept 2017 (Puntlandes) Dastuurku waa heshiis bulsho oo ay tahay in la raaco si oo loo fuliyo sidii loogu heshiiyey, haddii kale waxa ku yimaada Bulshadaas ku heshiisay bur-bur dawladeed.

Madaxda dawladda Fadaraalka Soomaaliya waxaa caado u noqotay inay ku tuntaan oo ay raaci waayaan dastuurkii ay ku dhaarteen, iyagoo marka ay dantooda doonayaan ku hal qabsada sidaas Dartuurkaa qaba iyo wax la mid ah.

Muran xooga ayaa waxa uu ka jiraa go’aankii ay DFS ka qaadatay khilaafka wadamada Khaliijka iyo dhiibistii ay dawladda Itoobiya u dhiibtay dhibane Qalbi-Dhagax.

Madaxda DFS oo aan wax wadatashi ah la samayn dawlad Goboleedyada dalka ka jira ayaa iminka waxay ku doodaysaa in dastuurku, gaar ahaan qodobka 53aad, iyada kaliya gooni u siiyey awooda arimaha Dibadda.

Hadaba Warbaahinta Puntlandes ayaa ummadda Soomaaliyeed xusuusinaysaa Qodobada 53aad iyo 54aad ee dastuurka ay ummadda Soomaaliyeed ku heshiisay iyo inay sax tahay sheegashada DFS.

27-b4

Qodobka 53aad. Wada-xaajoodyada Caalamiga

 

(1) Iyada oo la qaddarinayo nuxurka iskaashi ee lagu shaqaynayo, xukuumadda Federaalku waa in ay Dawlad- goboleedyada kala tashataa wada-xaajoodyada la xiriira kaalmada dibedda, ganacsiga, cahdiyada ama arrimaha muhiimka ah ee la xiriira heshiisyada caalamiga ah.

(2) Marka ay wada-xaajoodyadu si gaar ahaan u saamaynayaan danaha khuseeyadawladda xubinta ka ah dawladda federaalka, xukuumadda Federaalku ergada wada-xaajoodka geleysa waxaa kaabaya wakiillo ka socda Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka.

(3) Xukuumadda Federaalka marka ay ka hawlgelayso wada- xaajoodyada, waa in ay isu aragtaa xilgudashadeeduna ka muuqdaa in ay tahay ilaaliyaha danaha Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka.

Qodobka 53aad waxa uu siinayaa dawlad Goboleedyada awood ay ku talo iyo qayba uga noqdaan go’aan kasta ama heshiis kasta oo ay DFs la gasho caalamka.

Qodobka 54aad. Kala Qaybinta Awoodaha

Awood-qaybsiga siyaasadeed iyo dhaqaale waxaa ka wada xaajoon doona Xukuumadda Federaalka iyo Dawladaha ka mid noqonaya Dawladda Federaalka Soomaaliya marka laga reebo:

A) Arrimaha Dibadda

B) Difaaca Qaranka

C)Jinsiyadda iyo Socdaalka

D) Siyaasadda Lacagta, oo ay awooddeeda iyo mas’uuliyaddeeda yeelaneyso Xukuumadda Federaalka

Qodobka 54aad waxa uu shaqaynayaa marka ugu horayn ay DFS raacdo QODOBKA 53aad oo awood aad u badan siinaya dawlad Goboleedyada.

Dooda ay madaxda DFS ku doodayaan in Dastuuri ay tahay oo ay DFS kaliya awood u leedahay arimaha Dibadda waa waxba kama jiraan.

53 & 54 Qodobada

Puntlandes.com

About The Author