Daawo Video: Urur siyaasadeedka Umadda oo lagu daahfuray magaalada Garowe (Sawirro)

26 Sept 2017 (Puntlandes) Garowe ayaa shalay waxaa looga dhawaaqay urur siyaasadeedka Umadda, waana ururkii ugu horeeyay ee la diiwaangeliyo, shuruudaha buuxiyay.

Munaasabad balaaran oo ay goobjoog ka ahaayeen qaybaha bulshadda masuuliyiin ka socday xukuumadda, guddoomiyaha guddiga TPEC iyo madaxda xisbiga ayaa laga jeediyay khudbado xasaasi ah oo lagaga hadlay arrimaha siyaasadda dalka iyo ujeedooyinka xisbigan cusub.

Guddoomiyaha urur siyaasadeedkan cusub ee Umadda Cabdurashiid Maxamed Cali oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in xubnaha xisbiga hoggaaminaya ee xilligani ay yihiin weli kuwo KMG ah, sidoo kalena wuxuu ku nuux nuuxsaday ahdaafta xisbigan oo ka mid tahay isbedel siyaasadeed iyo in laga dhabeeyo rabitaanka dadka, iyadoo la hiigsanayo mustaqbal fog.

“8 janaayo, 2019 waxay nooga dhigan tahay maalinta qiyaamaha, fogaanteedu. Laakiin 150 sano oo socda wuxuu nooga dhigan yahay beri,” ayuu yiri Cabdirashiid oo sidoo kale dadka reer Puntland ku dhiirigeliyay in ay iyagu muujiyaan rabitaankooda siyaasadeed ee aysan aamusin.

Daawo muuqaalka munaasabadda

Xoghayaha guud ee ururka Yaasiin Maxamuud Jaamac (Yaab arag) oo munaasabada daahfuray horaantiiba, wuxuu sheegay in ahmiyada urur siyaasadeedkani ay tahay in ay sameeyaan isbedel la taaban karo si looga gudbo dhibaatooyinka bulsho ee dhinaca siyaasadda ah.

“Dadkeena reer Puntland waxaa la sheegaa in ay nahay dad aamusa oo kala xishooda, isbedelku sidaas kuma iman karo,” ayuu yiri Yaasiin oo sharaxaad ka bixin aragtida fog ee ururka  iyo sida lagu gaari karo ee ay hore u diyaariyeen.

Guddoomiyaha TPEC Cabdiraxmaan Shuuqe wuxuu munaasabada ka qaatay hadal uu dadka ugu jeediyay in ay kala shaqeeyaan sidii lagu gaari lahaa qof iyo cod. Sidoo kalena waxaa xubno dowladda u hadlay oo uu ka mid ah Cabdifatax Ashkir wasiir dowlaha warfaafint iyo wasiir ku xigeenka dastuurka Puntland ay sheegeen in ay dowladda ka go’an tahay in la hirgeliyo nidaamkan.

 

Daawo sawirrada















Puntlandes.com

 

About The Author