Daawo Video: Axmed Madoobe oo sheegay in Xukuumadda Federaalka laga sugao inay qanciso dowlad goboleedyada

26 Sept 2017 (Puntlandes) Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dawlad goboleedyada, kaasoo ka dhashay go’aankii dhex dhexaadniamda ee dowladdu ka qaadatay Xiisada Khaliijka, isagoo ku baaqay gogol uu magaalada Kismaayo ugu dhigayo Madaxda Maamul goboleedyada si looga tashto waxyaabaha jira.

1v

Axmed Madoobe oo ka hadlayay xiisada Khaliijka ayaa sheegay in dowladaha Qatar, Imaaraadka iyo Sacuudiga ay kuligood yihiin walaalahood, isla markaana loo baahan yahay wixii aragti ah ee Xukuumadda ka qaadatay arrintaas kala tashato maamul goboleedyada.

“Khaliijka, dowladaha Qatar, Imaaraadka iyo Sacuudiga, kuligood waa walaalaheen, Xukuumadda Federaalka hadii aragti ka qaadatay waxay mudan tahay inay la tashato maamul goboleedyada oo ay ku qanciso, oo ay tiraahdo sidaan u aragnay sidan ayay dadla maslaxdiisa ku jirtaa, dhex dhexaadnimada waa sidaan”ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in hadii maamul goboleedyada kale ay ku doodayaan in aysan dhex dhexaadnimo aheyd aragtida xukuumadda iyo hadii ay dhinac martay  loo baahan yahay in is qancin, wada hadal iyo wada tashi laga yeesho.

“Xukuumadda iyadaa laga sugayaa inay qanciso dowlad goboleedyada, sababtoo ah waalidka ilmihiisa sida ula dhaqmo ayay iyagana ula dhaqmaan, Xukuumadda iyada aayy mas’uuliyada saaran tahay, wixii halaabo iyaga ka halyaabayaan, sababtoo ah, hada aniga iyo Madaxweyne Farmaajo, isku xukun ma nihin waxa aniga iga dhaca iyo waxa isaga ka dhacay wey kala weyn yihiin”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Waxaa uu sheegay in dhismaha maamul goboleedyada laga soo maray dhib badan, isla markaana in wax la dumiyo ay aad u sahlan tahay, waxaa uu si gaar ah u soo hadal qaaday Galmudug oo uu xusay in dhismaheeda dhib fara badan laga maray.

Ugu dambeyn Axmed Madoobe ayaa sheegay in shirka ay isugu imaanayaan maamul goboleedyada ay uga wada tashanayaan doorka uu Dastuurka u gogol yahay midka ay dowladda Dhexe leedahay, kaddibna ay iyagoo wadajir ah hortagi doonaan Madaxda Qaranka, si ay u saxaan wixii khaladaad ee jira.

Puntlandes.com

About The Author