Sawiro: Shirkii Mideynta Canshuuraha Soomaaliya oo Lagu Soo Gabagabeeyay Garoowe

27 Sept 2017 (Puntlandes) Caasimadda Puntland ee Garoowe ayaa waxaa lagu soo gaba gabeeyey maanta shir labo maalmood socday oo  looga hadlayay dhaqaalaha Dalka iyo mideynta canshuuraha guud ee Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe iyo Wasiirada Dowlad gobaleedyada Jubbaland, Koonfurgalbeed, Galmudug iyo Hishabelle iyo Masuuliyiin kale.

Gabagabadii shirka ayaa waxaa ka soo baxay Warmurtiyeed ka kooban 9 qodob oo lagu heshiiyay hanaanka maamul maaliyadeed ee Soomaaliyaa, faa’iidada ay leeyahay isku xirnaanta Maamulada iyo Dowlada dhexe  ee dhanka dhaqalaha iyo in la wadaago kheyraadka guud ee Dalka iyo deeqaha Dibada ay ka hesho Dowladda Soomaaliya.

Qodobada aadka muhiimka ugu ah shacabka Soomaaliyeed ee lagu heshiiyeyayaa waxaa ka mid ahaa:

1- In la mideeyay cashuuraha laga qaado Qaadka iyo Sigaarka, waxaana la isku raacay in Mijintii (Farta) qaadka laga qaado $2.5, halka Kartoonka sigaarkana lagu cashuuri doono $30 dollar.

2- In gebi ahaanba la joojiyo lacagihii wasaaradaha maaliyadu ka qaadi jireen dadka socotada ee doonaya inay qaataan Passporka cusub ama u safraan dalalka dibada, taasi oo ahayd 10 Dollar.

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale beyle, waxaa uu xusay in Heshiis guud laga qaatay in si siman loo qaado canshuuraha ay qaadaan Dowladda dhexe iyo Maamul goboleedyada.

Wasiirka ayaa sheegay in Shirkan kiisa xiga lagu balamay in lagu qabto Magaaladda Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland, Gogosha shirkana uu dhigay Wasiirka Maaliyadda Maamulka Jubbaland.
1

1a

1a1

1a2

1b

1c

1d

2

3

4

4a

5

6

7

8

9
Puntlandes.com

About The Author