Alshabaab oo Weerartay saaka deegaanka Barriirre

29 Sept 2017 (Puntlandes) Alshabab ayaa weerar ku qaaday saldhig ay ciidamada dawladda Soomaaliya ku lahaayeen deegaanka Bariirre.

Wararka ayaa u sheegaya in Alshabab ay marka hore adeegsadeen baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa kadibna maleeshiyo hubaysan ay weerareen saldhigga.

Waxaa dhacay dagaal laba wareeg ah oo qaraar oo u dhexeeya ciidamada dawladda iyo maleeshiyada Alshabab.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidamada dowlada ee ku saabsan dagaalka Bariire oo ah deegaan muhiim u ah labada dhinac ee ku dagaalamaya.

Hase yeeshee warbaahinta Alshabaab taageera ayaa sheegaya in ay la wareegeen saldhigga ay ciidamada dowlada ku lahaayeen Bariire ayna halkaa ku qabsadeen gaadiid dagaal.

Afhayeenka howlgalada ururka Alshabaab Abdicasis Abu Muscab ayaa u sheegay wakaalada wararka Reuters in ay ku dileen weerarka ay ku qaadeen Bariire 17 askari ayna gacanta ku dhigeen illaa 7 gaadiidka dagaalka ah.

Saldhigga Bariirre ayaa ciidamada dawladdu ay Alshabab ka qabsadeen bishii Ogosto, waxaana weerarkan imanayaa iyadoo ciidamada dawladda isku diyaarinayeen inay isku ballaadhiyaan meelo kale.

Dhanka kale Hoobiyaal la sheegay in Alshabab ay kusoo rideen saldhigga ciidamada dawladda ee Laanta Buuro iyagoo isku dayaya inay ka hor istaagaan in gurmad uu u tago ciidamada Barire.

Puntlandes.com

About The Author