DFS oo waa ku baryey, kuna hawlan baajinta shirka Kismayo

30 Sept 2017 (Puntlandes) Xog lagu kalsoon yahay oo ay heshay warbaahinta Puntlandes ayaa sheegaya in xalay ay shir ku yeesheen Villa Somalia Madaxweyne Farmaamjo, Agaasime Fahad, Raysul wasaare Khayre iyo rag kale oo tirsan saaiibadooda siyaasadda.

31c

Shirka ayaa ku saabsanaa inay wax iska yiraahdaan Cakirnaanta Siyaasadeed ee soo wajahan DFS, Khilaafka Galmudug, Shirka Kismayo.

Madaxda DFS ayaa is tusay in xaaladu meel xun ay gaartay loona baahan yahay inay wax ka qabtaan, iyagoo ugu yaraan baajinaya shirka Axmed Madoobe ku baaqay ee Kismayo ay isugu imanayaan madaxda Dawlad Goboleedyada.

Shirka Kismaayo ayaa loo arkaa mid caqabad ku noqon kara DFS hadii shanta Madaxweyne maamul goboleed ay si gaar ah kulan ka dhan ah dowladda yeeshaan, kaasoo noqon doona kulankii u horeeyay ee ay dowladda DFS ka maqan tahay, hadii Maamul goboleedyada uu isbaheysi dhex maro uu saameyn ku yeelan karo.

Madaxda DFs ayaa waxay kaloo isku tuseen Shirkaas in loo arki karo in DFS aanay xilligan gacanta ugu jirin jaangoynta siyaasada gudaha, isla markaana ay keeni karto khalkhal siyaasadeed oo uu dalku galo.

Wararka ayaa sheegaya in madaxda DFs ay go’aansadeen in shirka Kismayo la baajiyo, iyagoo u maraya dawladda Itoobiya, waxaana ay kaloo isku raaceen in dowladdu ku baaqdo shir guud oo bisha soo socota ee Oktober dhici doona.

DFS ayaa iminka la daaala dhacaysa habacsanaan badan, iyadoo culaysyo badan kala kulan la safashada Qdar ee khilaafka Khaliijka, dhiibistii dhibane Qalbi-Dhagax iyo Khilaafka Galmudug oo ay dhinac la safatay Khaliijka oo noqday mid saameyn ku yeeshay siyaasada arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Puntlandes.com

About The Author