Galoha Wasiirada Jubaland oo gudiyo u saaray qaban qaabada shirka dawlad goboleedyada oo Kismayo ka dhacaya todobaadkan

30, Sep, 2017 (Puntlandes) Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta shir Gudoomiyey kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen golaha wasiirada Dowlad Goboleedka Jubbaland.
1v

Kulankan ayaa waxaa Axmed Madoobe kusoo bandhigay shirka dawladaha xubnaha ka DFS ee uu dhawaan ku dhawaaqay inuu marti gelinayo oo uu Kismayo ka dhici doono.

Madaxweynaha ayaa waxa uu golaha uu uga warbixiyay halka ay marayso xaalada Siyaasada dalka isagoo sheegay in ay meel wanaagsan marayaan dadaalada uu ugu jiro sidii Magaalada Kismayo loogu qaban lahaa kulan wadatashi ah oo xaalada dalka lagu dajinayo.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in dhamaan xubnaha golahu ay u diyaar garoobaan sidii shirkaas oo si habsami leh ugu qabsoomi lahaa isla markana wuxuu dadweynaha ka codsaday in ay nabgalyada adkeeyaan.

Waxaa xubnaha galaha Wasiirada ayaa  isku raacay in loo diyaar garoobo qabsoomida shirka, iyadoo martida ka qayb galaysa Shirka Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada dhexe loo sameeyay gudiyo hawshan qaban qaabiya isla markana dardar galin doona hawlaha shirka.

Labada Madaxweyne kuxigeen iyo xubno katirsan golaha ayaa hawshan hormuud looga dhigay iyadoo si rasmi ah loo bilaabay qaban qaabada shirka oo bilaabanaya Todobadkan gudahiisa.

Puntlandes.com

About The Author