Xog: Fahad Yasin oo ku howlan olole ka dhan ah maamul goboleedyada (Dhagayso)

30 Sep 2017 (Puntlandes) Aragtida siyaasadeed ee Fahad Yasiin ayaa u xaglisa in Soomaaliya ahaato dowlad awoodeedu ku urursan tahay dowladda dhexe, wuxuuna si wayn uga soo horjeedaa hanka wadaagga ama Federalismka isagoo aaminsan inuu kasoo jeedo Qabiil yar oo aan saamaym & maamul Goboleed layn.

Fahad isagoo gabbaad ka dhiganaya is maandhaafka khaliijka ka aloosan iyo mowqifka maamul goboleedyada ayuu bilaabay inuu qalalaase siyaasadeed ka rido maamulada dalka.

Galmudug ayaa noqotay dhibbanihii ugu horeeyay oo arintaasi ku fusho waxaana la filayaa inay ku xigaan maamulada kale.

Fahad ayaa haysta fursado uu ku hirgaliyo barnaamijkiisa, waxaana ka mid ah booska uu ka joogo Villa Soomaaliya, dhaqaalaha uu Qadar ka helo, saaxiibnimada aan xadka lahayn ee uu ka haysto madaxwenaha iyo Ra,iisulwasaraha. Intaas oo asbaabood ayuu ku kasday inuu si fudud ku helo xildhibaano dhuuni ama jago doon ah oo arintaas kasoo fuliya degaanada lagasoo doortay iyaga oo aan eegayn dhibka ay dhaxalsiin karaa maamulka degaankooda oo dadku faa,iidooyin badan ku qabaan.

Xildhibaanad Sacdiya Salaad & Carqalaynta Puntland

Xildhibaanad Sacdiya Salaad oo ka tirsan  Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa nasiib u yeelatay inuu Fahad u caleemo saaro carqaladaynta Punland oo kamid ah maamulada ugu horumarka iyo ammaanka badan.

31b7

Xildhibaanad Sacdiya ayaa u heelan inay fuliso qorshaha Fahad iyada oo aan ka fakarin waxa ay ka mudan tahay Puntland. Xildhibaanada Federalka ayaa ujeedada ay meesha u jogaan ahayd inay dowladda dhexe u matalaan degaanadii lagasoo doortay halkaas oo laga filayay inay degaanka kusoo celiyaan horumar ayna ka shaqeeyaan sidii amniga iyo kala danbaynta loo xoojin lahaa.

Sacdiya Salaad oo xataa garan waday inay dood run u eg la shirtimaado laakiin fulinaysa rabitaanka Fahad Yaasin ayaa waraysi ay siisay VOA ku sheegtay wax lagu qoslo oo ah inay mooshin ka wado lagu joojinayo Dhismaha iyo balaarinta dekedda Bosaso ee ay maalgelinayso shirkadda DPworld oo laga leeyahay Imaraadka.

Sacdiya ayaa sidii uu Fahad usoo dhiibay ku dooday in madaxwaynaha dawladda Puntland Dr Gaas uu arinta dekadda dardar galiyey markuu maqlay mooshinka Barlamaanka ku joojinayo, waxayna kusii dooday  ka hadalka wax aysan waxba ka aqoon oo ah in lacagtu dhisi karto 3 dekadood madaxweyne Dr Gaas na rabo in uu shacabka hantidooda iyo Guryahooda burburiyo.

Sacdiya oo ay muuqato balantii Fahad Yaasiin oo is hilmaansan ayaa ku eedaysay madaxweyne Dr Gaas inuu Dekedda kusoo qaatay aduun lacag ah oo gaaraya 360 milyan, oo ay walaac ka muujiyey qorshaha maalgelinta dekedaha Soomaaliya ee Imaaraadku horkacayo.

Xildhibaannada saxeexay mooshin ka dhan ah dekedaha Imaaraadku maalgashanayo waxaa ka mida Sacdiya Salaad Xaaji oo lagaa soo doorto Puntland.

Ugu danbayn xildhibaanad sacdiyo ayaa waji gabax xooggan wajahaysa marka ay ku raaci waayaan qandaraaskeeda xildhibaanada kale ee Puntland kasoo jeeda.

 

Dhagayso VOA oo waraysatay Xildhibaanda Sacdiya


Puntlandes.com

 

About The Author